Jabhadda TIGRAYGA oo furimaha dagaalka kala baxday dagaalyahanadeeda

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxa ciidamada fallaagada Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in boqolkiiba lixdan iyo shan ka mid ah dagaalyahannadooda ay ka baxeen furimaha dagaalka.

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa bil kadib markii heshiis xabad joojin ah ay la saxiixdeen dowlada federaalka ee Itoobiya.

Tadesse Werede, oo ah madaxa guud ee ciidamada Tigreega ayaa sheegay in ay u dhaqaaqeen goobo cayiman.

Inkastoo ay saxiixeen heshiis hub ka dhigis ah, Jabhadda Xoreynta Tigrayga ayaa sheegtay inaysan ka tanaasuli doonin hubkeeda haddii aysan ciidamada Eritrea iyo kuwa ka socda gobollada deriska la ah Itoobiya aysan ka bixin Tigrayga.

Maalmihii la soo dhaafay shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidamada Eritrea iyo maleeshiyaadka xulafada la ah ay sii wadeen dilalka iyo tacadiyada dadka rayidka ah ee Tigrayga.

Ka dib laba sano oo go’doomin iyo cadaadis milatari oo aan kala joogsi lahayn oo kaga yimid ciidamada isku dhafka ah ee Itoobiya iyo Eritereeya oo ay weheliyaan ciidamada gobolka Axmaarada, madaxda Tigraygu waxay sameeyeen tanaasulaad aad u weyn.

Si kastaba ha ahaatee, dawlada dhexe ayaa ka dalbatay kooxda TPLF inay gabi ahaanba isa soo dhiibto. balse taasi ma aysan xaqiijin dowladda.

Isha: BBC