Jabuuti oo jawaab ka bixisay eedeyntii DF Soomaaliya

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda dalka Jabuuti ayaa markii horreysay si faah- faahsan uga hadashay eedeymaha ay dhowaan u jeedisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ku aadanaa inay fara-gelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ridwaan Cabdullahi Bahdoon oo u jawaabiyey dhiggiisa Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in dano siyaasadeed laga leeyahay hadallada kulul ee haatan kasoo yeeraya dowladda Soomaaliya.

Bahdoon ayaa xusay inay muhiim tahay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay hal u jeedo ka yeeshaan, sidii ay u dhici laheyd doorasho lagu kalsoon-yahay waqtigeeda ku dhacda.

“Eedaymaha noocan oo kale ah ee Soomaaliya ay jeedinayso waa dano siyaasadeed, waxaana waqtigan muhiim ah inay madaxda siyaasadeed ay hal ujeedo lahaadaan, taas oo ah, inay si degdeg ah uga heshiiyaan qorshaha doorasho lagu kalsoonaan karo oo wagtigeeda ku dhacda si loo xoojiyo nabadda, xasiloonnida iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya,” Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon wasiirka warfaafinta dowladda dalka Jabuuti.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Jabuuti waxa ay aad uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeeray wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, isagoo Jabuuti ka been abuuray, Jabuuti waa dal taariikh ahaan u muujinaya taageero walaaltinimo oo joogta ah Soomaaliya,”.

Ugu dambeyn wuxuu wasiirka warfaafinta dalka Jabuuti hoosta ka xariiqay in ka dowlad ahaan ay dadaal xoog leh ku bixiyeen nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, isla-markaana ay ka dhalatay in Soomaaliya ay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd QM.

“Jabuuti waxa ay dedaal ku bixisay nadaynta iyo dib u heshiisiinta, shirkii Carta oo la ogyahay natiijadii ka soo baxday oo ay Soomaaliya ka dhaxashay inay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd Qaramada Midoobay kaddib sanado badan oo ay ka maqnayd,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ay digniino culus hawada u marineysay dalalka Jabuuti iyo Kenya oo ay ku eedeysay  inay galaan-gal xoogan ku lahaayeen bayaankii dhowaan kasoo baxay Ururka Midowga afrika.