Sawirro: Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay keydka qaraxyada ee Al-Shabaab

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay qeyb ka mid ah Keydka qaraxyada Al-Shabaab, kadib howl-gallo ballaaran oo ay ka sameeyeen dhulka buuraleyda ah gobolka Bari ee maamulkaasi.

Saraakiisha horkaceysay dhaq-dhaqaaqyadaasi ayaa sheegay in kadib xog ay ka heleen shacabka ay gacanta kusoo dhigeen qaraxyadaasi ku keedsanaa god weyn oo ay kooxda Al-Shabaab ka qodatay duleedka magaalada Boosaaso, gaar ahaan buuraleyda Galgala.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay qarxiyeen qaar ka mid ah miinooyinka ku jiray godkaasi iyaga oo aan geysan wax khasaare ah.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayo bambaanooyin aad u badan oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka iyo sidoo kale walxo kale oo qaraxyada laga sameeyo.

Xaaladda ayaa ah weli mid kacsan, waxaana qeybo badan oo ka mid ah gobolka Bari laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.

Muddooyinkii dambe ciidamada amniga Puntland ayaa weerar ku ahaan dagaalyahanada Al-Shabaab iyo kuwa Daacish, iyagoo howl-gallo ka bilaabay dhulka buuraha ee gobolka Bari.