CC SHAKUUR oo shacabka u digay kadib markii wasiir Beyle uu ka dalbaday lacag

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa ka hadlay dhaqaalo xumada soo food-saartay dowladda waqtigeedu dhamaaday, kadib markii ay dalalka deeqaha bixiya ka goosteen lacagtii ay ku taageeri jireen dowladda federaalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa habeen hore shaaciyey in loo baahan yahay in Soomaalidu isku tashado, maadama ay dalalkii lacagaha badan ku bixin jirey taageerada dowladda ay jarteen, taasi oo uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay “xeelad cusub oo loogu gabbanayo boobka hantida shacabka ee khasnadda ku harsan”.

“Khasnadda Dowladda waa maran tahay iyo shacabka ayaan lacag ka uruurineynaa waa farsamo loogu  gabbanayo boobka hantida shacabka ee khasnadda ku harsan. Rajiimka Farmaajo saacadihii ugu danbeeyey ayuu ku jiraa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Waa xilligii ay wax kasta horay u sii qaadan lahaayeen ee hantidiinna ka ilaashada. Canshuur iyo deeq tii aad siisaanba way dhacayaan ee ka digtoonaada.”

Sidoo kale waxa uu Guddoomiyaha Baanka dhexe, Hantidhowr-ka iyo Xisaabiyaha Qaranka ugu baaqay inay xil iska saaran hantida shacabka, oo ay u ilaaliyaan.

Beyle ayaa shaaca ka qaaday in dalalka deeqaha bixiya ay goosteen lacagtii ay ku taageeri jireen dowladda federaalka, oo ay dowladdu hadda wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo aad u darran.

“Lacagihii kabka ahaa ee adduun weynaha na siin jiray waa ay naga goosteen, xoogaa Sacuudiga iyo Qatar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina December iyo January ayay dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sagxadda,” ayuu yiri Beyle.

Beyle ayaa sheegay in dakhliga dowladda uga soo xarooda gudaha uu markii horeba ahaa 30%, inta kalena ay ka heli jireen dalalka deeqaha bixiya, kuwaas oo iminka lacagtooda goostay, sidaas darteedna loo baahan yahay in Soomaalida ay isku tashato.

Bangiga Aduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, muranka siyaasadeed iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay ku dhaqmeyso dowladda Soomaaliya.