Daawo: AXMED DAACI oo hanjabaad kasoo saaray xiisada kacsan ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) oo ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka ayaa digniin culus u diray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Guddoomiye Axmed Daaci ayaa fariimo dardaaran ah u kala diray dhinacyada kala ah, Farmaajo, Rooble, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe, Cumar Filish, ciidanka Qaranka iyo AMISOM.

Ugu horeyn Axmed Daaci ayaa madaxweyne Farmaajo ka codasay inuu xilka ka dego, isagoo sheegay in hadii uu taladaas qaadan waayo ay xaaladu sidaan kasii xumaa doonto.

“Madaxweynaha Soomaaliya xilka inuu ka dego ayaan ka codsaneynaa saacadaha soo socda, hadda fursad ayuu heystaa, fursada uu heysto waa inuu garoonka ka dhoofi karo, hadii uu sidaan ku sii adkeysto, waxaa imaan doonta inuu garoonka ka dhoofi waayo,” ayuu yiri Axmed Daaci.

Waxa uu intaas ku sii daray, “Madaxweyne inta dab nagu shido garoonka u carari meyside xilkaan isaga deg, waa lagaa hor istaagi doonaa inaad dalkaan ka dhoofto, ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalkaana waxaan ka codsaneynaa in uusan garoonka ka bixin nin dalka Dab ku shiday.”

Mar uu fariin u diraayey Ra’iisul wasaare Rooble ayuu yiri, “R/wasaaraha waxaan leeyahay waqtigaagu afar bilood ayuu ahaa, waajibaad-kaagana waad gudan weysay, asaguna ha iska casilo xilka.”

Sidoo kale guddoomiye Axmed Daaci ayaa fariin duray madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo duqa Muqdisho, waxuuna ka dalbaday in madaxweynaha aysan afgebi ku gacansiin, hadii kale sidiisa loola dagaalami doono.

“Seddax nin ayaan la hadlaa markaan, waa Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cumar Filish, walaalayaalow hal fursad ayaad heysatiin, madaxweynuhu waa idinla shaqeeyey oo madax ayuu idinka dhigay, laakiin hadii aad garab siineysaan, doorasho ku garab siiya ee afgembi haku garab siinina. War madaxweynaha la hadla oo war layaqaan ha idinka soo baxo, hadii ay taasi dhici weyso sida asaga loola diriraa ayaa la idiinla diriri doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Daaci.

Waxa uu sheegay in rajada la qabo hadda kadib ay ku soo koobantay seddaxdaas hoggaamiye, balse hadii ay taladu seegto aysan xaaladdu fiinaa doonin, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii Axmed Daaci ayaa fariin u diray ciidamada Qaranka, isagoo kula dardaarmay in xabadda dhaceysa ay joojiyaan, furimaha dagaalka aysan soo baneyn, Shabaab-na ay dalka ka difaacaan.

Hoos ka Daawo