Daawo: Rooble oo ka hadlay xiisadda Muqdisho, amarna siiyey ciidamada dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhacdadaasi, oo u uku qeexay mid lagu khalkhal gelinayey ammaanka caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dadka iyo dhinacyada ku lugta lahaa rabshadahaasi ugu baaqay in nabadda la dhawro, islamarkaana loo turo shacabka.

Rooble ayaa sidoo kale faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka muwaadiniinta, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ciidanka ku adkeeyey inay ka hortagaan khatar walba oo lala damacsan yahay amniga.

Rooble ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay aaminsan tahay in wadahadal keliya lagu xallin karo arrimaha taagan, isagoo tilmaamay in dadaalada wadahadalada uu isagu horay u bilaabay ay xukuumaddu sii xoojin doonto, islamarkaana uu ku raja-weyn yahay in dhammaan tabashooyinka jira guul iyo isfaham laga gaari karo.

Rooble ayaa ugu dambeyn ugu baaqay waxgaradka, culimada, bulshada rayidka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyaradu inay kaalintooda ka qaataan adkaynta nabagelyada iyo xasiloonida dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.