Xaaladda MUQDISHO ee maanta iyo xog ku saabsan wada-hadallo dhacay xalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta degan kadib markii dagaallo ay ka dhaceen xalay iyo shalay, waxaana socota waan-waan laga dhex-wado mucaaradka iyo dowladda.

Waan-waanta ayaa waxaa wada ra’iisul wasaare Rooble, oo la xiriiray musharaxiin ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Sheekh Maxamuud, una sheegay in dowladda ay dooneyso xabad-joojin iyo heshiis.

“Mar dhexe ayaa ra’iisul wasaaraha ila hadlay oo uu sheegay inuu doonayo in la joojiyo dagaalka, waxaan sidoo kale fahamsanahay inuu wacay Xasan Sheekh, mana hubo inay wada hadleen. Waxaan iri ‘haddaad wax ka qaban karto oo dagaalka joojin karto, oo aad awood leedahay ahlan wa sahlan, soo dhowow’,” ayuu yrii Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku daray in goor dambe ay soo waceen rag ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha una sheegeen inay ciidankii dagaalka ku jiray ay bixinayaan.

Waxaa sidoo kale saaka socda dadaallo dheeri ah oo lagu xaqiijinayo in xabadda aysan dib u billaaban, waxaana sidoo kale qeyb ka ah odayaal dhaqameeyo iyo madaxda Galmudug iyo HirShabelle, Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe.

Dagaalka ayaa shalay ka dhacay Mirinaayo iyo aagga KM4 oo ay kala degan yihiin Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayada oo labada musharax ay sheegeen in ciidamada dowladda ay soo weerareen.

Wararka saaka ka imanaya aagga KM4 iyo Maka Al-Mukarama ayaa sheegaya in laga qaaday ciidamadii dowladda, ayna joogaan kuwa taabacsan musharaxiinta, xaaladdana ay degan tahay.

Sidoo kale, aagga Mirinaayo ayaa shalay dagaal looga soo riixay ciidamada dowladda, welina waxaa jooga ciidamo militari oo diidan muddo kororsiga iyo ciidamada ilaalada madaxweyne Xasan Sheekh.

Si guud, xaaladda ayaa degan maanta, mana jiraan wax dhaq-dhaqaaqyo ciidan ah illaa hadda.