Sawirro CC Shakuur oo xirtay waddada Cabdiqaasim

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada daacadda u ah siyaasiga mucaraadka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa lagu soo warramayaa inay saaka xirteen wadada dheer ee isku xirta isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa caro ku xiray waddadaasi oo sii marta dalcadda Cabdiqaasim ee degmada Hodan, iyaga oo gaadiidka ka celinaya halkaasi.

Sidoo kale ciidamada mucaaradka ee ka soo horjeeda dowladda ayaa difaacyo kaga jira xaafadaha ku dhow wadadaasi oo uu xalay ka dhacay dagaal xoogan.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in ciidamo kale oo ka mid ah kuwa ka soo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha ay iyana ku sugan yihiin inta u dhexeysa Dabka iyo Sayidka, iyaga oo difaacyo kaga jira halkaasi, waxaana lagu arkayaa iyo gaadiid dagaal.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana markasta suura-gal ah inuu dagaalka dib u qarxo, maadaama labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo iska soo horjeeda.

Si kastaba waxaa haatan socda dadaallo uu hokacayo ra’iisul wasaaraha xil ka sii haya ee Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda taagan.