Jabuuti oo ku dhaqaaqday tallaabo culus oo ka dhan ah dalka Eritrea (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbatay inay taageeraan sidii loo xalin lahaa murun xuduudeedka kala dhaxeeya dowladda Eritrea, haddii lagu guul dareystana ka taageeraan sidii maxkamada ICJ dacwad kaga furan lahaayeen.

Safiirka Jabuuti ee Qaramada Midoobay Amb Maxamed Saciid Ducaale, ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay dooneyso in xal kama dambeys ah laga gaaro murun xuduudeedka u dhaxeeya dalalka Eritrea iyo Jabuuti.

“Djibouti waxaa ay golahu ugu yeertay iyada oo kaashaneysa taageerada xogheyaha guud in labada dhinac ay muranka ku xaliyaan si nabad ah, oo cid kale ay dhex-dhexaadiso sida maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ” sidaasi waxaa sheegay Ducaale.

Wuxuu sheegay Safiirka inay marka doonayaan in xalka lagu raadiyo qaab wadahadal ah, haddii ay suuro gal noqon weysana ay maxkamada ICJ dacwad ka furun doonaan si xal arimahaasi looga gaaro.

Sida uu qorayo qodobka 33 ee dastuurka UN-ka,  waxaa uu ogalaanayaa in dalalka muranka ka dhaxeeyo ay xal iyo qaab nabadeed u raadin karaan xuquuqdooda.

Arrimaha Djibouti ku doodeyso waxaa ka mid ahaa milkiyadda Jasiiradda Doumeira iyo 13 maxbuus oo weli lagu la’yahay gacanta Eritrea.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com