Tuhun laga qabo Puntland iyo Somaliland oo gogoshii nabadeynta beelaha Sool loo geeyey JIGJIGA (Xog)

Buuhoodle (Caasimada Online) – Nabadeynta beelihii ku diriray Koonfurta Gobolka Sool ee Soomaaliya ayaa la dhigay magaalada Jigjiga ee gobolka Somali State ee dalka Itoobiya.

Arrintan ayaa la yaab ku noqotay bulshada Soomaaliyeed maadama ay ahayd in gogosha nabadeed la dhigo isla Gobolka Sool ama meel kale oo isla Soomaaliya gudeheeda ah.

Hase ahaatee, ilo ku dhaw waxgaradka nabadeynta ka qeybgalaya oo Caasimadda Online u warramay ayaa sheegay in dhaqanka garteen in Jigjiga la dhigo maadama ay tahay goob dhex dhexaad ah oo aan dhinacna la safneyn.

Mas’uulka noo warramaya oo codsaday in ana magaciisa la sheegin ayaa caddeeyey in faragalinta Puntland iyo Somaliland oo aan nabadeynta dhex dhexaad ka ahayn darteed gogosha looga qaaday gobolka Sool.

Gogosha la dhigay Jigjiga ayaa ku soo aadeysa xilli bulshada Sool, Sanaag iyo Cayn ay hore tuhun uga qabeen in Somaliland iyo Puntland ka dambeeyaan collaada beelaha isku haysta Dhumay.

Caasimada Online
Xafiiska Buuhoodle
Caasimada@live.com