Yahuuda kaalin intee le’eg ayay ku lahaayeen dilka suxufi Jamaal Khaashuqji?

Moscow (Caasimada Online) – Edward Snowden oo ah ruux ka shifa Siraha qarsoon ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay u adeegsatay dilka Wariye Jamaal Khashoggi aalad wax basaasta oo lagu farsameeyay Israel, sida uu warbaahinta u sheegay Snowden.

Isaga oo kasoo muuqday Muuqaal kuna hadlayay magaalada Tel Aviv ayuu shegay Snowden in Software ay sameeyeen Sirdoonka Yahuuda loo adeegsaday in dowladda Sacuudiga ay kula socoto dhaqdhaqaaqa Jamaal iyo bartilmaameydkiisa, taasi oo horseeday in 2 October lagu dilay Qusnuliyadda ay ku lahaayeen magaalada Istanbul.

Snowden ayaa yiri “Sidey Sacuudiga ku ogaadeen waxaa Jamaal qorsheynayay halka ay ku wajahnaa, iyo sida ay ula dhaqmeen, Aqoontaasi waxay ka timid aalad ay hormariyeen Israel”

Wuxuu sheegay in Qalabka lagu basaasay Jamaal ay farsameeyeen ciidamada Israel, islamarkaana in qalabkaasi loogu talo galay in lagu qabto argagixisada oo aan loogu talo galin in dad lagu dhibaateeyo.

“Hadda uma aysan adeegsan inay ku qabtaan dambiilayaasha iyo inay ku joojiyaan weerarada argagixisada, uma aysan adeegsan inay nolol ku badbaadiyaan, waxay u adeegsadeen inay ku jaraan nolosha aadane”ayuu u sheegay Wargeys kasoo baxa Jerusalaam.

Shirkadda NSO oo ah shirkadda sameysay Aaladan, ayaa ka jawaabtay hadalka Snowden waxaana ay sheegeen in Software-kooda uu sharciyeysan yahay, waana aalad sahleyso in xogta teleefonka ku jirto la helo isaga oo qofka uu adeegsanayo.

“Wax soo saarkeen wuxuu ka sharciyeysan yahay hay’addaha Dowladda, waxaana ujeeada tahay in lagu baaro loogana hortago dambiyada iyo argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Shirkada NSO oo soos aartay Soft Ware-ka Pegasus.

Mr Snowden, ayaa ugu dambeyn wuxuu sheegay in Sacuudiga aysan aheyn markii ugu horeysay oo ay adeegsato Software-kaan si ay shaqsiyaad u weeraraan.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com