Heshiiskii HirShabelle & DF oo abuuray is-beddel weyn

Baydhabo (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Hirshabeelle ayaa yeeshay muddooyinkii ugu dambeeyay Hanaan shaqo oo joogto ah iyo meel marinta sharciyo badan oo horumar u ah wasaaradaha maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo ah saaxiibka koowaad ee Golaha wasiirada iyo xildhibaanada ayaa muddooyinka koowaad shir guddoominayay kulamada golaha wasiirada Hirshabeelle.

Heshiiskii dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Waare ayaa abuuray isbadal weyn oo ku yimid hanaanka shaqo ee madaxda Hirshabeelle, iyaga oo ka faa’ideysanaya taageerada dhaqaale ee dowladda Soomaaliya.

Heshiiskaasi ayaa horseeday in si dhow ay saaxiibo u noqdaan madaxweynaha, ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo markii hore sii kala jeeday, iyadoo xildhibaanada iyo golaha wasiirada uu gacanta ku hayay Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Arinta kale ee dardar gelisay shaqada golaha wasiirada Hirshabeelle ayaa ah inay heleen dhaqaalo ay ku dhaqaajin karaan shaqooyinka horyaala, iyadoo markii hore afar wasaaradood kaliya ay dhaqaalaha heli jireen.

Wasiirka Maaliyadda oo dhaqaalaha ka yimaada Hiiraan kusoo shubayay Account saxiixyadiisa ay hayaan seddex masuul ee ugu sareyso Hirshabeelle, wasiirka Amniga iyo wasiirka arimaha gudaha oo saaxiib dhow la ah Cali Guudlaawe ayaa kaliya heli jiray dhaqaalaha ay ku dhaqaajin karaan wasaaradahooda.

Balse hadda waxaa wasaarado badan ay helaan dhaqaalo ay shaqada ku wadaan, iyadoo loo sameeyay goob ay ku shiraan oo aysan horey u laheyn, taasina waxay door ka ciyaartay dhaqdhaqaaqa shaqo ee wasiirada Hirshabeelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com