Jabuuti oo xirtay mas’uuliyiin sare kadib baaritaan lagu ogaaday kiis xasaasi ah

Jabuuti (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha guud ee Jabuuti ayaa sheegay in xisaab hubin la sameeyey lagu helay in lacag balaayin franc ah lagu lunsaday heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo ganacsato.

Warbixin uu soo saaray xeer-ilaaliyaha ayaa lagu sheegay “in Wasaaradda Miisaaniyadda ay lunsatay hanti dadweyne oo loogu dhiibay inay ku daboosho kharashaadka dowladda ayada oo cadad aad u ballaran ku bixineysa adeegyo u muuqdo kuwa la been abuur ah oo aan jirin.”

Warbixinta ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu lunsaday qalab iyo alaabo aan loo baahneyn oo si soo noqnoqsho leh looga dalbay shirkad, taasi oo lagu sheegay in dib u dhis loogu sameynayo dhismaha wasaaradda, iyo qalabyo kale oo ay ka mid yihiin kuwa xafiisyada, computero iyo agab kale, oo qiimahoodu gaarayo balaayiin franc.”

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in la xiray Farah Mohamed Osman, oo ah agaasime ku xigeenka Qalabka ee Wasaaradda Miisaaniyadda iyo Sahal Said Awaleh oo ah agaasime ku-xigeenka Lacagta ee Wasaaradda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in la xiray qaar ka mid ah ganacsatada ku lugta laheyd lunsashada iyo xubno kale oo baaritaanka uu soo galay.

Sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha, baaritaanka ayaa xaqiijiyey inuu jiray heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray qaar ka mid ah ganacsatada iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda, kaasi oo lagu lunsaday balaayin franc oo hantida qaranka ah.

Labada sarkaal ee ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda ee la xiray ayaa xafiiska xeer-ilaalinta wuxuu sheegay inay la xiriiriyeen Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Abdoulkarim Aden Cher inuu yahay qofka ugu weyn ee billaabay nidaamkan wax is daba-marinta.

“Sidaas darteed, Mr. Abdoulkarim Aden Cher, ayaa lasoo xiray lana dhigay xabsi si loo baaro,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer-Ilaalinta.

Xeer-ilaaliyaha ayaa intaas ku daray in dhowr ka mid ah ganacsatada ay qirteen eedaha loo jeediyey islamarkaana ay soo celiyeen qaar ka mid ah lacagtii ay sida sharci-darrada ah u qaateen.

Baaritaanka ayaa sii socon doona, sida uu sheegay Xeer-ilaaliyaha islamarkaana dadka ku lugta leh loo gudbin doono xafiiska dacwad oogaha guud, si cadaaladda loo mariyo.

Dadka la xiray iyo dhammaan kuwa la eedeeyey ayaan si deg deg ah looga helin karin jawaab ku aadan eedda loo jeediyey.

Isha: VOA