Jaceylkii Baadiyo Beled miyuu I biday.? (Sheeko xiiso badan Q.2aad)

Jaamac waatii la yiri Gabadha meel kusoo ogoow, wuxuuna ku fakaray inuu habeen u tago maadaama fursadu u diiday maalintii.

Habeen mugdi ah ayuu tegay gurigii reerka Safiya, laakiin marmarsiyo ayaa loo helay maadaama uu daadshay Labeentii ay Gabadhu dooneysay inay berri [Subixii] ku subkato.

Safiya ayaana inta ku kacday shanqartiisa tiri: “Jaamac ma labeenta ayaad caano mooday oo aad cabi rabtay?”

Waala kululeystay Jaamac, wuxuuna kala garan waayey halka uu joogo maxaa kugu saladay Labeentaan ayey ka taagan tahay, ciil dartiis yaamar kusoo celiya wuu is leeyahay laakiin ma noqoneyso waxayna u ekaatay: “Ciyaar maxaa loo tumaa habeenkii hadii aan qiso laga laheyn”

Micnaha, maxaa labeentaan banaanka dhigay oo loo gelin waayey Bowdka xerada ariga ama Edega waxaraha hadii aan wax laga damacsaneyn, waxaa niyada uga jirta in falkaan loogu talo galay, laakiin ma ahan ee waa wax isku soo aaday.

Wuxuu sameeyey la tashiyo kale wuxuuna u tegay odayaal kale isagoo leh: “War sidaan kusoo xero geliyaa gabadhaan?”

Waxaa talo lagu soo siiyey inuu maalin uun ugaarsi aado uuna gabadha u keeno hilib Cowl ama wax u dhigma una sheego inay maqaarka Cowlka ka sameyso Ceyn Owrta lagu dhaansho, si ay ugu aragto inuu yahay nin ku fiican Ugaarsiga maadaama dadku reer guuraagu ku kala fiican yihiin Ugaarsiga, tan kalena Ceynku uu yahay wax aysan gabar walba sameyn Karin uuna xujo uga dhigo.

Laakiin waa kasoo baxday Safiya xujadaas Ceynkiina sameysay waa gabadhii la oran jiray: “Shan ka roon”

Galab goor ay cadceedu sii gaabaneyso ayuu Jaamac jid uga soo dhacay Safiya oo ari ka goosmay wuxuuna  ku yiri: “Ariga ma kula goobaa?”

Waxay ku tiri: “Haa, ila goob waayo meeshaani waa meel hili-qaaq ah [Laga kala guuray]”

Waa uu la raadshay wuxuuna habeenkaas ku helay fursad fiican oo uu wax uga dhaadhiciyo laakiin iyada ahaan, warkaasi kuma socone Ariga ayaa u darnaa, isna mood inuu dari helay.

Cidii ayaa guurtay maalinkii dambe wuxuuna maagay inuu cidda wax ka raro maadaama uu yahay nin dan leh.

Wuu ka raray laakiin wuxuu arkayey inaysan gabadhaani dhinciisa usoo jeedin.

Cidii markii la furay ayuu galab ugu yimid iyadoo Subkaneysa wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu guursado, wax walbana uu diyaar ula yahay, laakiin gabadhaan waxay dooneysaa inay aduun kale soo aragto Jaamac uguma baxdo.

Naq degii dambe ayaa gabadhii nin kale haasaawe la sameysay waana nin qanciyey iyada ahaan, Jamaal iyo Joog leh laakiin aan u xoolo badneyn sida Jaamac.

Ahkristeyaal halkaas ha inoo joogto qeybtii Labaad ee sheekadii la magac baxday Jaceylkii baadiyo beled miyuu I biday?

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com