Jaceylkii Baadiyo Beled miyuu I biday.? (Sheeko xiiso badan Q.3aad)

Wiilkaan cusub ee gabadhaan ku larmay nolasheeda waxaa la yiraa ‘Cismaan’ waa nin xoogaa tuulada u badan, labiskiisa u badan Macawisaha qurxoon ee markaas la daneynaayo ayaana hami ku dhaliyey Safiya laakiin bacaad cidlo ah ayey qoor sagaaryo ku heysaa oo waxaa sugaya Jaamac.

Gabadhii ayaa wiilkii tiri caawa ii imaad laakiin wiilku wuxuu dhib ka marayaa sidii uu ku heli lahaa markuu guriga tago, maba kala yaqaan jiif Rag iyo mid Dumaroo waayo arag kuma ahan Shukaansiga gabdhaha looga soo kiciyo gurigooda.

Safiyo hooyadeed Caabiyo ayaa jiifatay habeenkaas booskii gabadha, Safiyana waxay ka duruqday jiifka reerka habeenkaas maadaama ay ballan laheyd.

Cismaan wuxuu yimid gurigii wuxuuna kala fiirshay sida loo jiifo qofka banaanka reer xoogaa uga baxsan waa Safiyo laakiin isagu wuxuu u heystaa duqii reerka, inta u xaluushay duqii oo jiifa bedelkii gabadha ayuu garabka ka riixay wuxuuna ku yiri: “Soo bax waa Cismaane.”

Kama uusan waalin Oday Maxamed, wuxuuna ogaaday in gabadhiisu wiil kale la jaan xiratay, wuuna ka daba kacay, Cismaan markii uu arkay nin soo socda xaalka ayaa ku xumaaday wuxuu isku deyey inuu carar sameeyo, laakiin Maxamed ayaa ku yiri: “ha cararin, waxaan ahay Safiya aabaheed, gabadhaan wiil ayaa la siiyey, ogoow hadii aan maalin dambe akteeda kugu arko wixii kugu dhaca kuguma dhigine.”

Laakiin waxaas kama daadegayaan gabadhaan oo waxay ka taagan tahay: “Nin aan rabo ayaan raacayaa intii mid aanan rabin I roorsan lahaa.”

Akhristeyaal qeybtii sedaxaad ee sheekadii la magac baxday, Jaceylkii Baadiyo Beled miyuu I biday? halkaan ha inoo joogto.

Waaxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jaangoan@yahoo.com