Jadwalka doorasho ee 9 ka mid ah kuraasta GOLAHA SHACABKA oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Somaliland ayaa maanta shaaciyey in toddobaadkan la qaban doono doorashada 9 kursi oo kamid xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddoonka guddiga doorashada Somaliland Sagaalka Kursi ayaa waxay sumadoodu tahay Hop#214,Hop#218,Hop#226,
Hop#223,Hop#208,Hop#210,Hop#272,Hop#202 iyo Hop#225.

“Waxaan guddiga doorashooyinka (FEIT) ku wargelinaynaa liiska kuraasta baarlamaanka gollaha shacabka ee aan ugu tala-galnay toddobaadkan in aan doorashadooda qabanno, kuwaasi oo tirsigoodu hoos ku xusan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Guddiga ayaa sidoo kale faray in madax dhaqameedka qabaa’iilka kuraastaas iska leh ay xarunta guddiga ay soo xaadiraan berri oo taariikhdu tahay 15-ka November 2021-ka, si loo siiyo tababarada doorashada, ayna u soo xulaan ergooyinka codbixinta.

Qoraalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa soo dhaweeyay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro, oo isagu faray maamulada kale iney si deg deg u soo saaraan jadwalka doorashada kuraasta Aqalka Hoose.

Si kastaba, Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa dhawaan sheegay in doorashada Golaha Shacabka ay si rasmi ah u bilaabmi doonto 16-ka bishaan November, ayada oo 24 December 2021 ay tahay waqtiga kama danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashadaas.