Galmudug oo wax aan horey loo arkin kusoo kordhisay doorashada Soomaaliya

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Galmudug ayaa sabtidii soo gabagabeeyey doorashada aqalka sare kadib markii la doortay labadii kursi ee ugu dambeysay aqalka sare, kuwaas oo kala ahaa Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Xareed.

Haddaba, waxaa xusid mudan in maamulkaasi marka laga soo tago xulista uu sameeyey madaxweynaha ee ku aadan cidda tartameysa, oo uu kala sinnaa dowlad goboleedyada kale, uu yahay hadana maamulka keliya ee aan la furin sanduuqa doorashada, iyada oo loo tanaasulay dhammaan Senatorada soo baxay.

Horey uma dhicin maamul goboleed dhammaan doorashadii xubnaha Aqalka Sare aan laga codeyn, balse lagu kala baxay “tanaasul,” taasi oo muujineysa heerka musuq-maasuq ee doorashooyinka Aqalka Sare.

Haddaba, waxaan halkaan kusoo gudbineynaa sida ay wax u dhaceen.

Senator Saciid Siyaad, oo ahaa Senatorkii ugu horeeyey ee soo baxa waxaa “u tanaasulay” Maxamed Daahir.

Senator Dhageey, oo Senatorka 2-aad ee Galmudug kasoo baxa waxaa isna inta aan la tartamin “u tanaasula” Daahir Faarax Fiidow.

Senator Dhagdheer, oo ahaa Senatorkii 3-aad ee soo baxa waxaa goobta tartanka “uga baxay” Nuur Guutaale.

Senator Zamzam Daahir, oo noqotay Senatorkii 4-aad ee Galmudug waxaa “u tanaasushay” Farxiya Maxamed Guure

Senator Cabdixakiim, oo ahaa Senatorka 5-aad ee Galmudug waxaa isna “u tanaasushay” oo sanduuqa iney tago diiday Ismahaan Cabdi Xuseen

Senator Duniyo Maxamed, oo noqotay Senatorka 6-aad ee Galmudug, waxaa iyada kursiga “siisay” oo tartanka ka baxday Qadro Cabdullahi isxaaq

Cabdi Qaybdiid, oo kusoo baxay tartankii sabtidii, noqdayna Senatorka 7-aad ee Galmudug waxaa “u tanaasulay” Cawil Nuur Cali.

Cabdi Cismaan Xareed, oo isna shalay sabtidii noqday Senator-ka ugu dambeeyey ee Galmudug la doorto iyo midkii ugu dambeeyey ee loo doorto baarlamaanka 11-aad oo ka kooban 54-ta Senator waxaa “u tanaasulay” Mahad Aadan Guuleed.

Tanaasulka loo sameynayo kuwa kusoo baxay Senatornimada ayaa waxaa uu adkeynayaa erayga soo shaacbaxay ee “Malxiiska doorashada” taas oo meesha ka saareysa hufnaanta doorashada.

Xigasho: Goobjoog News