Jadwalka doorashooyinka dalka oo mar kale fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Jadwalka doorashooyinka, gaar ahaan kan Golaha Aqalka Sare ayaa markale fashilmay, sababo la xiriira khilaafka weli ka jira dalka.

Jadwalkan oo uu soo saaray guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka 2021-ka ayaa markale dhaqan-gelin waayey, iyadoo maanta oo ay tahay 14-ka January la filayey in la soo gaba-gabeeyo doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo jadwalkii ugu dambeeyey lagu caddeeyey inay dhaceyso 7 illaa 14-ka bisha January ee sanadkan 2021-ka.

Waa jadwalkii labaad ee dhaqan-geli waaya, iyada oo sababta ugu weyn ay tahay khilaafka ka taagan guddiga iyo tabashada laga muujinayo hannaanka doorashada.

Is-bedalka ku yimid jadwalkii hore ayaa waxaa sabab looga dhigay, kadib dalab ka yimid madaxweynaha Galmudug, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka dalka.

Dhanka kale illaa iyo hadda guddigu ma sheegin sababta markale dib u dhigtay jadwalkoodii labaad ee fashilmay, iyada oo waqtiguna uu yahay mid gabaabsi ah.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xukuumadda Soomaaliya ay ku dhowaaqday hirgelinta doorashooyinka dalka, waxaana halkeedii ah tabashada ay weli muujinayaan midowga musharraxiinta mucaaradka iyo madaxda Jubbaland iyo Puntland.