Jadwalka doorashooyinka GALMUDUG oo la diiday

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Shaacir Sheegow oo ka tirsan xildhibaanada uu mudo xileedkoodu dhamaaday ee Galmudug ayaa sheegay inaysan aqoon saneyn guddiga shalay soo saaray jadwalka doorashada Galmudug ee dowladda dhexe ay u magacaawday dhismaha maamulkaas.

Shaacir Sheegow oo ka mid ah xubnaha Ahlu-Sunna ee sida weyn uga soo hor jeeda qaabka ay dowladda federaalku u wajaheyso dhismaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in dowladdu ay balantii uga baxday Ahlu-Sunna.

Shaacir ayaa sheegay in bishii July ay wasiirka arrimaha gudaha iyo Ahlu-Sunna ku heshiiyeen in la kala diro guddigan, waxii markaas ka dambeeyana si wadajir ah guddi loo soo magacaabo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in balankaas ay ka baxday dowladda federaalka, isagoo sheegay in hoggaanka Ahlu-Sunna kulamo looga arinsanayo falka ay ku kacday dowladdu ay haatan uga socdaan Dhuusamareeb.

Shaacir Sheegow ayaa sheegay in saacada soo socda ay Ahlu-Sunna ku dhawaaqi doonto mowqifkeeda ku aadan balanta ay dowladdu uga baxday, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Xildhibaan Shaacir ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay kulamo dhex mareen hoggaanka Ahlu-Sunna iyo dowladda dhexe, waxuuna sheegay in dhinacyadii dhex dhexaadinayey oo ay ku jireen ganacsato iyo xubno ka socday beesha caalamka, kuwaas oo dowladda ka dalbaday inay fuliso heshiiska ay la gashay Ahlu-Sunna.

“Urur dhan oo meel loogu yimid oo dowladdii heshiis la galay been la inku soo xero galinaayey eheyd wax aqliga gala ma ahan, waana lagula xisaabtami doona qofka ay ka soo yeertay, hadii la leeyahay dowladdu heshiisyo badanay gashaa mana fulaan wax badan ayaa baabi’i doona, waxay maamul magacaawday iyo waxay xilal magacaawday hadii la yiraahdo waxba kama jiraan waan qaadanaynaa, balse yeeli mayno in gaar naloo takooro oo anaga kaliya heshiiska nagoola baxo” ayuu yiri Xildhibaan Shaacir Sheegow.

Hadalka Xildhibaan Shaacir Sheegow Maxamed ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan ay hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna ku shirsanyihiin madaxtooyada Dhuusamareeb ee INJI.

Hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa ka cabanaya inaysan dowladdu kala tashay magacaabidda guddiga maanta Jadwalka doorashda soo saaray oo ay horay ugu heshiiyeen inay soo wada magacaabaan wasiirka arrimaha gudaha dowladda dhexe iyo Sheekh Maxamed Shaakir.