Shacabka iyo siyaasiinta Baydhabo oo ‘lagu hayo’ caburin iyo xadgudubyo

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya qayla dhaanta ka soo baxaysa shacabka ku nool degaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay, taas oo ku saabsan in ay wajahayaan caburin iyo xadgudubyo dastuurka ka dhan ah.

Siyaasiintan ayaa sheegay in dadka loo diido in ay qabsadaan kulamo, isu soo baxyo iyo in ay ka hadlaan arrimaha siyaasadda degaanka iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegeen in hadda ay arrimo siyaasadeed ay u xiran yihiin ilaa afar qof, oo isugu jira siyaasiin iyo weriyaal, kuwaas oo ay Maxkamadda magaalada Baydhabo ku xukuntay xukuno kala gadisan kadib markii ay ka qayb galeen shirar lagu dhaliilayo dowladda Soomaaliya.

“Afar qof ayaa loo xiray ka hadalka arrimo siyaasadeed xukun ayaana lagu riday walina waxaa socoto caburin iyo xadgudubyo kale oo u badan jirdil iyo hanjabaad” ayuu yiri qof magaciisa qariyay oo ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Dhinaca kale Malaaq Maxamuud Maxamed oo ka mid ah xubnaha ku dhow maamulka Koonfur Galbeed ayaa beeniyay in magaalada Baydhabo dadka lagu caburiyo islamarkaana loo diido in lagu qabto shirar siyaasadeed oo dowladda Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ku saabsan.

Malaaq ayaa sheegay in ay jiraan amaro maamulka ka soo baxay oo sheegaya in aan Baydhabo lagu qaban karin shirar aan lagu soo wargelin hay’adaha ammaanka balse aysan jirin caburin iyo xadgudubyo kale.

“Waxaa jira amar maamulka ka soo baxay oo ah shirarka masuuliyiinta amniga lagu soo wargeliyo ee aniga ma ogi caburin” ayuu yiri Malaaq Maxamuud Maxamed oo warbaahinta la hadlay.

“Waan ogahay in 4 qof ay u xiran yihiin arrimo siyaasadeed xukuna ku dhacay laakiin waxaan wadnaa sidii aan xal ugu heli laheyn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Malaaq oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.