Jahwareer iyo xaalad cabsi leh oo goordhow ka billaabatay deg..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dhanka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada ay gabi ahaan degmada ku fureen kanaalo uu leeyahay Wabiga Shabelle.

Maleeshiyada ayaa kanaalada u furay dhinacyada ugu muhiimsan oo duulaanka ay kasoo qaadi karaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Maleeshiyada ayaa furitaanka Kanaalada kadib hareeraha magaalada ka dhigtay fariisimo dhowr ah oo ay uga hortagayaan ciidamada isgarabsanaaya.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xaqiijiyay in maleeshiyada iminka ku sugan yihiin hareeraha degmada waxa uuna sheegay in xaaladu tahay mid adag lagana cabsi qabo in magaalada uu ka dhaco dagaal culus.

Mas’uulkaasi waxa uu sheegay in gudaha magaalada ay soo galeen biyaha Webiga magaaladuna ay halis ugu jirto in laga waayo wado la maro, islamarkaana ay dadku ku harqamaan biyaha.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayuu sheegay in la galshay heegan buuxa waxa uuna carab dhabay mas’uulkaasi in xaaladu tahay mid cabsi iyo walwal leh.

Dhanka kale, dadka magaalada ayaa iyaguna waxaa lasoo darisay cabsi kadib markii maleeshiyada ay daadiyeen warqado digniin ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com