CC Shakuur oo kashifay sirta ka dambeysay heshiiskii BADDA.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ex Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga dowladii kumeel-gaarka aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna musharax u taagan qabashada xilka qaran ee dalka C/raxmaan C/shakuur ayaa markii ugu horeysay ka hadlay heshiiska muranka badan dhaliyay ee dhexmaray Dowlada Somalia iyo Kenya.

C/raxmaan C/shakuur Warsame waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu xiligaa ahaa mas’uul ka tirsan Dowladii xiligaasi jirtay 2009, balse uusan wax lug ah ku laheyn Heshiiska lagu kala saxiixday arrimaha Badda Somalia markii laga reebo in Heshiiska uu ku biiriyay keliya saxiixiisa oo uu ku qasbanaa.

C/raxmaan waxa uu iska fogeeyay in Heshiiskaasi uu la dhacsanaa waxa uuna tilmaamay in keliya uu gudanaayay waajibaadkiisii ahaa in uu saxiixo Heshiiska isaga oo aan sameyn dhaqdhaqaaqyo kale.

”Dhowr jeer ayaan ku dhiiraday in dadka aan ka jaahil bixiyo Heshiiska xiligaasi dhexmaray Somalia iyo Kenya, mar waliba oo la arko magaceyga arrintaasi ayaa leyla xiriiriyaa dadkuna ma oga sida xiligaasi ay wax u dhaceen”

”Waxaa jira wax la yiraahdo mas’uuliyad wadareed, xisaabta nooguma jirto, dowlad marka ay timaado waxaa jira mas’uuliyad wadareed, waxaa rabaa inaan si kooban u sheego arrintaas iyo sida ay u dhacday, anigu waxaan watay magaca Wasiirka heshiiskaasi uu khuseeyo waxaana jira waxyaabo badan uu qofka ku khasban yahay in xilka uu hayo aawgii uusan uga weecan”

Musharaxa tuhmanaha ah waxa uu sheegay in xiligii Xukuumaddii uu hogaaminayay Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ee loo hadlay shirkii Golaha Wasiiradda arrinta labada dowladeed ee Kenya iyo Somalia ee ku aadan muranka Badda uu isaga ka maqnaa dalka.

C/raxmaan C/shakuur, waxa uu sheegay in wakhtigaasi uu dalka ka maqnaa islamarkaana uusan goobjoog ka aheyn isagoo carab dhabay in safar uu ku joogay dalka Botswana oo xiriirka kala dhexeeya Somalia adkeynayeen.

”Waxaan cadeynayaa in wakhtigii Kenya ay nagu cadaadineysay howshaasi aan dalka ka maqnaa waxaa arrintaani la weydiinkaraa Wasiiradii xiligaasi oo hadda jooga iyo Madaxweyhihii hore Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid oo nool”

”Maqnaanshiyaheyga waxaa marqaati furi kara Labaatan iyo Sideed Wasiir oo hadda xaadir ah markii laga reebo Afar Wasiir oo geeriyooday Golaha wasiirada ayaga ayaa fariistay inay qaataan arrinta ah, anaga iyo Kenya aan is faham ka gaarno arrinta Badda, aniga safar ayaa ku jiray oo Botswana ayaa shir uga qeyb galayay, heshiiska ha ahaado is afgarad ama mid rasmi ah”

”Waxaa howlahaasi siiwaday oo ku shaqa lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xilligaas uu ahaa Maxamed C/llaahi Oomaar, anigana waxaan kamid ahaa ragga loo xilsaaray arrintaasi, marka dowladda Hadda jirta waxay ka faa’ideysatay go’aankii aan xiligaas gaarnay, maantana waxay joogtaa Maxkamad caalami ah”

C/raxmaan C/shakuur waxa uu cod dheer ku sheegay in Soomaalida ay ka heystaan fakir aan aheyn kan xaqiiqda ah waxa uuna dalbaday in dib loo raaco xaqiiqda dhabta ah ee cadeymaha leh.

Dhanka kale, C/raxmaan C/shakuur, ayaa mar kale sheegay in dadka uu xusuusinaayo inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com