JAMES SWAN oo ballan qaad cusub u sameeyey DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Ergeyga Qaramada Midoobe ee Soomaaliya, Ambassador James Swan.

Beyle iyo James Swan ayaa kulankaasi kaga wada-hadalay dib u habeynta iyo horumarka ay dowladda federaalku ka sameysay maaliyada, iyada weliba la adeegsanayo Hanaanka SMP4.

Wasiir Beyle oo ka warbixiyey kulankaasi ayaa sheegay inuu ahaa ‘shir muhiim ah’ oo Qaramada Midoobey ay ugu balan qaaday sii xoojinta iyo ambo-qaadka taageerada dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in Qaramada Midoobay ay tahay saaxiibka xiligan ugu muhiimsan ee dowladda federaalka ka taageera dhanka horumarka.

“Waxa aan maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu horkacayo Mr James Swan wakiilka gaar ka ah ee Soomaaliya. Waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo horumarka Maaliyadda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxaa uu intaas ku daray “Xafiiska UN-ka ee Soomaaliya waa saaxib muhiim u ah horumarka iyo taageerada Dalka, waxa ayna noo balan qaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada bulshada Soomaaliyeed”.