Sawirro: Dab xoog leh oo ka kacay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dab xoogan oo saaka ka kacay dhisme ku yaalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu qabsaday kaalin shidaal oo ku taalla gudaha magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale dabka oo ah mid xoog leh ayaa ku sii fiiday goobo kale oo ganacsiga oo ka agdhow kaalinta shidaalka ee uu dabku ka kacay.

Wararka ayaa sheegaya in gurmad xoogan kadib shacabka deegaanka iyo laamaha amniga Dhuusamareeb oo is kaashanaya ay ku guuleysteen inay damiyaan dabka.

Illaa hadda lama soo warin wax khasaare nafeed ah, balse waxaa jira mid maaliyadeed oo xoog leh oo soo gaaray goobaha ganacsiga ee uu dabkaasi saameeyey.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale cabsi ka muujinayo in dabka uu sii fido, maadaama magaalada Dhuusamareeb aysan laheyn wax dab-damis ah.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana si aad looga mashquulsan yahay, sidii looga hortagi lahaa dabkaasi, loona yareyn lahaa khasaaraha uu geysanayo.