ITOOBIYA oo xabsi dhigtay xubno ka tirsan xisbiga Abiy

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabtay xubno badan oo ka tirsan xisbiga PP ee haya tallada dalkaas ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, kadib markii lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin dagaal beeleed dhawaan dhacay.

Hay’adaha amniga dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay 45-xubnood oo loo haysto inay gacan weyn ka geysteen dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Benishangul Gumuz.

Hogaanka Xisbiga PP ayaa xaqiijiyey in 10 kamid ah xubnahaasi la xiray la horgeeyay maxkamad.

Sidoo kale, waxa xiisada dagaalkaasi xilkii looga qaaday Taliyihii ciidamada gaarka ahaa, Wogari Polino iyo Taliyaha booliska deegaankaasi, Nega Jara.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaaladaasi oo socday maalmo ay ku naf waayeen ugu yaraan 100 qof, halka ay ku barakaceen kumanaan kale.

Dagaal beeleedyadaasi ayaa u dhaxeeya qowmiyadaha Amxaarada iyo Agaw oo intooda badan shaqa u tagay deegaankaasi Benishaangul-Gumuz, oo ah midka ay hadda xiisada u xoogani ka taagan tahay.