James Swan oo shaaciyay cidda ka qeyb-galeysa shirka teendhada Afisyooni

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ergayga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, aya shaaca ka qaaday arrimo ku saabsan shirka la filayo inuu ka dhaco teendhada Afisyooni iyo cidda ka qeyb galeysa.

Wareysi uu siiyey Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ah ayuu James shaaca kaga qaaday arrin aan faah-faahsaneyn balse laga dhex dheehan karo in shirka ka dhici doona Muqdisho ay siyaasiyiinta Soomaalida oo dhan ka wada qeyb gali doonaan.

Mr. Swan wuxuu shaaca ka qaaday in Qaramada Midoobay iyo saaxiibadooda beesha caalamka ay ka go’an tahay iney ka shaqeeyaan isku dubaridka kulankaan la filayo, maadaama fadhiyo dhawr ah ay hogaamiyayaasha Soomaalida ku heshiin waayeen.

“Waxaan tibaaxayaa in aan dooneyno in Soomaalida aan siino taageero dhanka dhaqaalaha ah, taas waxaa naga codsaday xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana ku raacay xafiiska madaxweynaha, waxaan diyaarineynaa Teendho ama Hool ku yaalla garoonka diyaaradaha, waxaana bixin doonaa dhaqaalaha gobollada dalka looga soo daabulayo ergooyinka maamulada dalka, sidoo kale waxaan AMISOM kala shaqeyneynaa xaqiijinta ammaanka, marka waxaan rajeynayaa in wada-hadalladan ay sii socdaan, iyaddoo uu ka dhacayo meel ammaan ah kana qeybgalaan siyaasiyiita Soomaalida,” ayuu yiri James Swan.

Hadalka kasoo yeeray Swan ayaa u muuqda inuu si dadban u sheegay in mucaaradka ay kaalin ku yeelan karaan shirka Afisyooni, waana arrin uu aad u diidan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo wuxuu doonayaa in ka qeyb galayaasha shirka ay kaliya noqdaan kuwii heshiiska gaaray 17-kii September 2020, mana doonayo in midowga musharaxiinta ay kaalin ku yeeshaan shirkaas.

Qorshaha kulanka wuxuu ahaa in horaanta bishaan Maarso uu dhaco, balse Villa Soomaaliya ayaa qeyb ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ku cadaadisay ineysan diyaar u noqon shirka, balse markaan Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa iney meel fiican marineyso qorshaha isla markaana ay qaban-qaabada shirka wadaan.

Midowga Musharaxiinta waxaa la filayaa iney xubno kooban u dirsan doonaan shirka ka dhici doona teendhada Afisyooni, inkastoo aan la ogeyn tirada u aadi doonta, lamana oga sida loogu qancin doono Villa Soomaaliya.