James Swan oo shaaciyey in Qaramada Midoobe ay shir u qabaneyso Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xogahayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa shaaca ka qaaday in QM ay dhowaan qabaneyso shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya.

“Bahda QM ee ku sugan Soomaaliya waxay qabanaysaa wadahadal khadka internetka – oo si toos ah looga soo tebinayo https://www.facebook.com/UNSOMALIA 6-da Sebtembar – oo lala yeelanayo xubno ka tirsan Guddiga La-talinta Dhallinyarada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si loo dedejiyo dooda aragtiyona looga helo Soomaalida,” ayuu yiri James Swan

“Jawaabihiinu waxay gacan ka geysan doonaan in la wargeliyo arrimaha mudnaanta leh ee adduunka, hadda iyo mustaqbalkaba.”

“Wadahadalkani waa mid si gaar ah waqtigiisa ku yimid waana mid habboon iyadoo Dowladda Federaalka iyo bahda QM ee Soomaaliya ay qeexayaan arrimaha hortabinta u leh howlaha hay’adda adduunka ee dalka shanta sanno ee soo socota iyadoo qayb ka ah Hanaankeena Iskaashi ee 2021-2025. Tani waxay suurtagelinaysaa in aragtiyada Soomaalida lagu biiriyo hababka caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee Qaramada Midoobay.”

Swan ayaa sheegay in jawaab-celinta sahanka ka soo baxda adduunka oo dhan, oo Soomaaliy ay ku jirto, loo soo bandhigi doonaa madaxda adduunka iyo saraakiisha sarsare ee Qaramada Midoobay.

Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan dadka Soomaaliyeed inay codkooda ku biiriyaan wada-hadalkan muhiimka ah ee saameyn doona Soomaaliya iyo dunida inteeda kaleba sannadaha soo socda.