Nabadoon lagu caleema saaray magaalada Muqdisho.

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kadib munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaa mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga gobollada dalka nabadoon ugu dooratay Dhubbad Maxamed Jimcaale.

Qeybaha dhaqanka, culimada, waxgaradka, duqeyda iyo dhalinyarada ayaa u dhamaan madasha lagu caleemasaraayay Nabadoon Dhubbad Maxamed Jimcaale oo ka mid noqonaya nabadoonnada beelaha Soomaaliyeed.

Dadkii kasoo qeybgalay munsaabadda ee hadalka laga siiyay waxey nabadoonka ugu hambalyeeyeen caleema-saarkiisa, waxeyna sidoo kale carabka ku dhufteen inuu yahay qofka ugu mudan ee matali kara beesha.

Nabadoon Dhubbad Maxamed Jimcaale oo munaasabadda hadal jeedinteeda soo xiray ayaa qof walba uga mahad celiyay dadaalka ay u galeen caleema-saarkiisa, wuxuuna qof walba ka codsaday inuu kala shaqeeyo hawlaha lagama-maarmaanka.

Nabadoonka wuxuu sidoo kale ka codsaday bulshadiisa iney ugu duceeyaan, cadaalad, midnimo, sinaan iyo alle ka cabsi, wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono midnimada beesha.