Xarunta W/Maaliyadda Somaliland ee Boorama oo qarax lagu weeraray

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday bamgacmeed oo xalay lagu qaaday xarun wasaaradda maaliyadda Somaliland ay ku leedahay gudaha magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Wararka ayaa sheegaya in khasaare kala duwan oo isugu jira  dhaawac iyo burbur hantiyeed uu geystay weerarkaasi, islamarkaana ay baxsadeen kooxihii fuliyey.

Ugu yaraan hal ayaa ku dhaawacmay, kaas oo ahaa shaqaale ka tirsan wasaaradda oo xilliga uu weerarka dhacayey ku sugnaa xarunta, sidoo kale waxaa uu burbur xoogan soo gaarauy dhismaha darbiga ee qaraxa lagu dhuftay ee gawaari tiilay halkaasi.

Dhinaca kae Cabdirashiid Cabdi Jaamac oo ah guddoomiyaha garabka dhalinyarada Xisbiga Waddani oo degan xaafadda uu weerarku ka dhacay ayaa ka warbixiyey qaraxaasi, wuxuuna sheegay in mar qura ay maqleen jugta bamka, abaare 11:50  Habeenimo.

“Abaaro 11:50  Habeenimo  waxa aan maqalnay dhawaq xoog wayn iyo quruurux jiingada guriga noogu soo daatay. ka dib waxa isku soo baxay dadkii jaarka ahaa, waxa la iswaydiiyay waxa uu ahaa iyo halkuu ka dhacay. Ka dib waxa aan la hadlay ilaalada Wasaarada Maaliyada oo aanu isku dhagsan nahay, waxayna ii sheegeen in bam ku soo dhex dhacay daarada wasaarada maaliyada, isla markaana gawarida dhextaala Xarunta muraayada qaarkood ka jabiyay ayuu yiri” Cabdi Rashiid Jaamac.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Somaliland oo ku aadan weerarkaasi, balse xaaladda saaka ah mid aad u degan.

Inta badan waxaa gobollada qaar ee Somaliland weeraro ka fuliyo jabhado hubeysan oo si ka soo horjeeda maamulkaasi, balse illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay qaraxaasi.