Xog: Kulankii Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe oo u baaqday arrin lama filaan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in uu baaqday shirkii caawa lagu waday inuu Muqdisho uga furmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Shirka ayaa u baaqday dalab ka yimid Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo madaxtooyada ku war-geliyey in waqti dheeraad ah la siiyo inta uusan furmin shirka ay lagu wado inay la yeeshaan madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa shalay xubnaha beesha caalamka hor dhigay shuruud uu doonayo in la fuliyo in inta uusan furmin shirka, taasi oo ah ciidamada dowladda federaalka laga soo saaro gobolka Gedo ee Jubaland.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay madaxweyne Farmaajo, mana aysan soo bandhigin shuruudda la xiriirta arrinta ciidamada jooga Gedo, waxayna aqbaleen ballantii la qabtay caawa ee ahayd in shirka furmo.

Xubno ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in labada madaxweyne ay goor dambe oo maanta ah ku soo war-geliyeen inay waqti dheeraad ah u baahan yihiin si ay u soo tashadaan.

“Axmed Madoobe wuxuu ku dheggan yahay ciidamada dowladda ha laga soo saaro Gedo,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online.

Warar xog ogaal ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Axmed Madoobe iyo Deni ay ka tashanayaan in shirka ay ka qeyb-galaan, oo arrinta ciidamada Gedo ay halkaas la tagaan iyo inay ku adkeystaan shuruudda la xiriira ciidamada dowladda ee Gedo in la fuliyo kahor shirka.

Galabta ayey aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha NISA ay kulan saacado badan qaatay ku yeesheen Muqdisho, iyadoo xogta aan helnay ay sheegeyso in kulankaas looga wada-hadlay arrimaha gobolka Gedo oo ka maqan gacanta Jubbaland.