Sababta Axmed Madoobe uu shuruudda Gedo ugu soo beegay imaatinkiisa Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii lagu waday inuu xalay Muqdisho uga furmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa baaqday kadib shuruud lama filaan ah oo ka timid madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

“Axmed Madoobe wuxuu ku dheggan yahay ciidamada dowladda laga soo saaro Gedo,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online.

Axmed Madoobe ayaa dalbaday in ciidamada dowladda federaalka laga soo saaro gobolka Gedo ee Jubaland, taasi oo noqotay arrin lama filaan ah, sababtoo ah waxaa la rumeysnaa in arrimaha laga heshiinayo ay ku saleysan yihiin oo kaliya doorashada.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa markii lagu casuumay shirka Muqdisho wax shuruud ah ku xirin imaatinkiisa.

Haddaba muxuu shuruuddan ula sugay imaatinkiisa Muqdisho?

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta Axmed Madoobe dalabkan ugu soo beegay imaatinkiisa Muqdisho ay tahay inuu ka faa’iideysto beesha caalamka oo kaalin weyn ku leh imaatinkiisa Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu rumeysan yahay in beesha caalamka ay ka go’an tahay in heshiis lagu gaaro Muqdisho, sidaas darteedna uu rumeysan yahay inay arrinta Gedo ku cadaadin karaan madaxweyne Farmaajo.

Waxaa sidoo kale jirta in shirkii Dhuusamareeb 2 ay Axmed Madoobe iyo Farmaajo isku afgarteen in ciidamada dowladda laga saaro gobolka Gedo, taasi oo madaxweynaha Jubaland uu ku adkeynsayao in laga dhabeeyo.

Axmed Madoobe ayaa shalay galab waxaa la kulmay agaasimaha NISA Fahad Yaasiin, waxaana la sheegay inuu isku dayey inuu ku qanciyo inuusan baajin kulankii xalay qorsheysnaa taasi oo Axmed Madoobe uu ku gacan  seeray.

Ma cadda sida ay xaaladda ku dambeyn doonto, waana adkaan doontaa in dowladda ay si deg deg ah kusoo saarto ciidamadii ay gaysay Gedo oo aad u tiro badan.