JANAN oo ka hadlay kasoo goosashada Villa Somalia, shaaciyeyna musharaxnimo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan ayaa markii u horeysay ka hadlay wararka sheegaya in uu baxsad ka yahay Villa Somalia, islamarkaana uu u galay Midowga Musharaxiinta Mucaaridka.

Cabdirashiid Janan oo magaalada Muqdisho ku qabtay munaasibad uu ku shaacinayo musharaxnimadiisa xildhibaanimo ee Aqalka Hoose ee DFS, ayaa beeniyay in uu fakaday, balse uu ka guuray hoygii hore ee uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

“Waxaa maqleysanaa Cabdirashiid waa Fakaday, horta aniga ma fakan weykan, xiliga uu dalka ku jiro iyo xaalada aan mareyno, aqligeeda iyo aragtideeda ma lihi shacabkii aan shalay u naxay iyo colaadii aan damiyey aan dib u soo celiyo,” ayuu yiri.

“Nin dagaalamaya oo mucaarid ah oo raba in uu qof mucaarido oo raba in uu dagaal galo ma ihi mana ahaan karo. Dalka doorasho ayuu ku jiraa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu sameeyay aag badalasho kadib markii uu maalmihii dambe ka guuray hoy u dhawaa xarunta Nabadsugida oo uu deganaa, islamarkaana aysan jirin in uu baxsad ka yahay dowladda federaalka.

“Waxaa deganaa guryo ku dhagan xarunta Nabadsugida oo si gaar ah u deganaa, waxaa raadinayay meel halkaas ka munaasibsan oo aan dego, xaafad ayaa kasoo guuray oo xaafad kale ayaa degay ma aha in aan cid la dagaal-sanahay.”

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xili ay soo baxayaan warar sheegaya in Cabdirashiid Janan uu khilaaf xoogan soo kala dhex-galay madaxda sare ee dowladda federaalka, islamarkaana uu ka goostay, kadib markii looga baxay balamo lala galay oo ay ka mid tahay inuu noqdo Xildhibaan.

Hoos ka daawo muuqaalka Cabdirashiid Janan