Madaxweynaha Afghanistan oo is-casilaya iyo Taliban oo xukunka la wareegeysa

Kabul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa xukunka iska casili doona saacadaha soo socda, kadib markii kooxda Taliban ay soo gashay magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Dowladda ayaa xukunka si nabad ah ugu wareejin doonta Taliban, ayada oo wax dagaal ah uusan ka dhicin Kabul, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Abdul Sattar Mirzakwal.

“Shacabka Afghanistan yeysan welwelin. Ma jiri doono wax weerar ah oo lagu soo qaado magaalada, waxaana xukunka si nabad ah loogu wareejin doonaa dowlad ku-meel gaar ah,” ayuu yiri 

Dagaalo ayaa saacadihii hore ee maanta ka dhacay koonfurta iyo waqooyiga Kabul, inkasta oo afhayeen u hadlay Taliban uu sheegay inay amreen ciidankooda inaysan xoog ku qabsan magaalada, oo dowladda laga sugo inay xukunka iska soo wareejiso.

Suhail Shaheen ayaa intaas ku daray in kooxda aysan sidoo kale dooneyn inay cidna ka aargudato, wuxuuna sheegay in dhammaan dadkii u shaqeeyey dowladda iyo milatariga la cafin doono. 

Sarkaal kale oo ka tirsan Taliban ayaa sheegay in ajaaniibta ku sugan Kabul ay dalka isaga tagaan ama ay joogitaankooda ka diiwaan-geliyaan maamulka Taliban, marka ay xukunka dalka la wareegaan.

Shacabka qaarkood ayaa safaf dhaadheer ugu jira bankiyada si ay lacagahooda ugala baxaan kahor inta aanay ka idlaan. 

Dhammaan diblomaasiyiinta Mareykanka ayaa Kabul looga daad-gureynayaa helicopters, waxaana magaalada ku hari doona wax ka yar 50 shaqaale.

Sidoo kale, shaqaalaha Midowga Yurub ayaa la geeyey goob ammaan ah oo aan la shaacin, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan NATO. Sidoo kale UK ayaa sheegtay inay ka shaqeyneyso in muwaadiniinta British-ka ah la badbaadiyo.

Si kastaba, Ruushka oo lagu xanto inuu xiriir hoose la leeyahay Taliban ayaa sheegay inuusan wax qorshe ah ka laheyn inuu saraakiishiisa ka qaado magaalada Kabul.

Magaalada Kabul ayaa aheyd tan kaliya ee ku harsan gacanta dowladda kahor inta aysan maanta hareereyn kooxda Taliban oo soo qabsatay dhammaan magaalooyinkii kale ee dalka.