28.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

JANAN oo qaaday tallaabo kale oo xasaasi ah kadib qabsashadii Beled-Xaawo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo dhowaan dowladda Federaalka Soomaaliya u magacowday madaxa hay’adaha amniga ee gobolka Gedo, ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada deegaanno ka tirsan gobolkaasi, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Cabdirashiid Janan, oo dagaal maalmo socday kula wareegay gacan ku haynta xarumaha dowladda ee degmada Beled-Xaawo, ayaa soo bandhigay ciidamo ku biiray dowladda federaalka, kuwaas oo loo qorsheeyay in ay maamulaan amniga degmadaasi iyo deegaannada hoos yimaada.

Sarkaalkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadii beeleed ee ku sugnaa Beled-Xaawo ay haatan ku biireen dowladda federaalka, islamarkaana noqdeen ciidamo ka amar qaata Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA).

Degmada Beled-Xaawo ayaa dhawaan ka baxday gacanta maamulka Jubbaland, kaddib markii beesha ugu badan ee deggan degmadaasi ay heshiis la gaartay Cabdirashiid Janan, gacantana u gelisay ciidamadii horey uga diiwaangashanaa dowladda Jubbaland.

14-kii Luulyo 2025, Ra’iisul Wasaare Janan ayaa loo magacaabay inuu noqdo madaxa hay’adaha sirdoonka ee dowladda federaalka u qaabilsan gobolka Gedo. Soo degitaankiisa Beled-Xaawo waxaa la socday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo helikobtaro lagu keenay, gaadiid dagaal, saraakiil sirdoon iyo qalab casri ah – taas oo calaamad u ahayd abaabul ciidan oo xoogan oo ka bilaabanaya xuduudka.

Qayb muhiim ah oo ka mid ah abaabulka ciidamada ayaa noqotay in maleeshiyaad beeleed horey ugu jiray dhinaca Jubbaland ay hadda u wareegeen dowladda federaalka, loona hoos geeyay taliska NISA ee uu Janan hoggaaminayo. Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in tallaabadan lagu doonayo in ciidamada deegaanka lagu meeleeyo nidaamka rasmiga ah ee amniga qaranka.

Beled-Xaawo waxay ku taallaa isgoyska xuduudaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxayna u adeegtaa sidii marin ganacsi oo muhiim u ah gobolka Gedo – taas oo ka dhigaysa meel xasaasi ah oo leh miisaan siyaasadeed, amni iyo dhaqaale.

Abaabulka ciidamada dowladda federaalka waxaa lala xiriirinayaa qorshaha Villa Somalia ee ah in Gedo laga hirgeliyo nidaamka codeynta tooska ah, iyadoo ay fooda nagu soo hayaan doorashooyinka guud ee 2026.

Magacaabista Janan ayaa dhalisay dhaleeceyn xooggan oo ka timid siyaasiyiin goboleed iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha. Mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda federaalka inay jebineyso heshiisyadii horay loo gaaray ee ku saabsanaa awood qaybsiga iyo nidaamka federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News