Jawaabta qoraal jawaab u ahaa saadaasha xiisadaha SOOMAALI GALBEED

Waxaa yaab leh sida dadkii Soomaaliyeed loo soo dhex galay, Itoobiyaankii ay Reer Galbeedka iyo AMISOM soo galbiyeen ee Soomaaliya soo geliyeen baa maanta raba inuu Soomaaliya qabiil iyo jees-jees isaga hor keeno, waxaan aqriyay qoraal aan ula yaabay oo qoray nin isku magacaabay Maxamed Abshir Nuur kaasoo sida uu sheegay uu uga jawaabayay qoraal uu qoray Maxamuud Cabdi Sammad Xareed oo cinwaankiisu ahaa Saadaasha Xiisadaha Ka taagan Soomaali Galbeed!….anigu sabab qabiil looga dhigo  qoraalka Xareed iigama muuqan mana arkayn wax keeni kara in beel lagu saleey xataa haddii ay ku dheehnayd sababta oo ah waxa uu ka hadalayo ayaa ahaa dhibaato iyo gar-daro guud ahaan lagula kacay magaca Soomaaliyeed isla markaasna ay baahi u qabeen inay helaan qof Soomaali oo xog ogaal ah oo falanqeeya si ay ur ugu baxdo waxna uga ogaadaan hirka cusub ee cadownimmada ku salaysan eek u bilowday dadka Soomaaliyeed markii uu Abiy Axmed noqday Ra’iisal Wazaaraha Itoobiya.

Dagaallada iyo colaadda lagu soo qaaday Soomaalida waa ay ka horeeyeen wax badan duullaankii ay ciidammada federal-ka Itoobiya ku soo qaadeen Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya maalintii sabtida ahayd ee August04, 2018, waxaana si baahsan dagaalka looga soo qaaday dhammaan dhulka Soomaalidu degto ee dhaca xudduuda labada dal, iyadoo waliba la sheegay in dadka duulaanka soo qaaday ay ahaayeen ciidammada dowladda federalka Itoobiya oo dharkii soo bedeshay, kuna dagaal galayay magaca qoomiyadda Orommada, waxayna baab’iyeen deegaano dhan dadkii ku noolaa hantidoodiina dhaceen, dagaalkaas ilaa iyo hadda dhab uma joogsan, dadka shacabka ah ee Soomaalida ah ee ku nool xudduudahana waxay wali qabaan walaac xagga ammaanka naftooda iyo hantidooda ah iyadoo aysan dowladda Abiy Axmed qaadan wax talaabo ah oo wax ku ool ah, waxaana la oran karaa waxaa xiisadaha qaboojiyay iska caabbin aan xoog badnayn oo ay sameeyeen shacabkii xuddudaha ku noola oo aan haysan dowlad garab istaagta iyo duni u soo gurmata.

Qoraalka xareed guud ahaan qeexayay baaxadda dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed, waa suuro gal marka qoraal nooc uu qoray Xareed oo kale ah la qorayo inay soo galaan magacyo beelo iyo ashkhaas waana ay ku jireen magacyo beeleed iyo shakhsiyaad, taasina ceeb ma aha laakiin sida xaaladda Soomaaliya ay tahay ayaa wax badan macnahoodii bedelaysa, waana midda uu hadda ka faa’idaystay Maxamed Abshir Nuur oo aanan anigu rumaysnayn inuu Soomaali yahay laakiin labo un mid u qaatay A) nin ka mid ah sir-doonka Itoobiya oo kala qaybinta iyo kala fogeynta shacabka Soomaaliyeed ee la burburiyay wali ka shaqayniya, B) Orommada buux dhaafisay dalkii ee af-Soomaaliga bartay ee maalin kasta iyagoo beelo Soomaaliyeed sheeganaya aan baraha bulshada ku arkayno oo raba inay kala geeyaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan taas cadayniya Af-Soomaaliga uu wax ku qoray iyo sida uu afka ugu balaarinayo hanjabaad uu Soomaalida (Ogaadeenka) u dirayo iyo dhiiri gelinta uu Orommada siinayo, iyo mansabka KHabiirnimmada uu sheeganayo.

Farta cas waa afka Soomaaliga ee muujinaya inuusan Maxamed Abshir Nuur Soomaali ahayn ama waxaa kaloo farta cas ay muujinaysaa sida uu iskugu dayayo inuu qariyo dulmiga iyo waxa lagula kacay dadk Soomaaliyeed ee dowlad deegaanka Soomaaliyeed ee Itoobiya ama Soomaalida kale ee deggan xuddudaha labada dal.

  1. Waxaan si qoto dheer u aqriyay qoraalka dheer ee aad soo ku daabacday beejkaasi aan sare ku soo sheegnay, balse waxaan aad ula yaabay sida indha la’aanta ah ee aad ugu hadleyso qabiilka loo yaqaano Ogaadeen, gaar ahaan marka aad is barbardhiga ku sameyneysa laba xaaladood waxaa aad uga muuqda in aan buunbuunineysa Ogaadeen.

Qof Soomaali ah ma oranayo “qabiilka loo yaqaan” waayo ogaadeen waa qabiil ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed isla markaasna aan ka baxsanayn Soomaalinimada uu iska dhigayo qofka wax soo qoray (Maxamed Abshir Nuur) inuu u dhashay, mana oranayo Ogaadeen baad buunbuuninaysaa waayo waxaa uga filan inay Soomaali yihiin isagana uu yahay Soomaali qabiil ahaan uma uusan arkeen ee Soomaali buu u arki lahaa, maamulkii Cabdi Max’ed Cumar wuxuu doona waa ku dhaaliila karaa layskumana haysto, laakiin dagaallada ay Orammada ku hayso Soomaalida waa mid caam ah oo ka horeeyay wixii sabtigii hore ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ma aha sida ninkan Soomaaliga iska dhigaya ee ummadda Soomaaliyeed raba inuu kala qaybiyo hadalka u qorayo, bal iska dhaaf Itobiya ee dalkii gudihiisii ayeey Orommadu hawlo dhallan rog ah ka wadaa wax iska qabanayana aysan jirin.

  1. Beer laxawsi Soomaalida inteeda kale oo ‘waawareey Oramadii ayaa soo socota’;

“Waawareey Orammadii soo socota” nin Soomaali ah oraahdaas ma qorayo waayo cabsidaas maba yaqaan, Soomaalida deggen Itoobiya waligood Itoobiya oo dowlad ah oo qoomiydaha kale oo dhan ay hal dhinac ka soo jeedaan bay keligood la dagaalayeen oo iska celinayeen ONLF keliya ayaa sutida u haysay, laakiin sida ka muuqata hadalka ninka khabiirka isku sheegaya isagaa la soo bajin jiray, iska dhaaf qoomiyad keliyee dadka Soomaaliyeed haddii ay Itoobiya oo dhan isa soo raacdo ma aha dad waligood loo cagajugleeyay ama ka baqa nacabkooda iyo ciddi colaad kala dhexeyso.

  1. Ma dhici doono dagaal daba dheeraada oo dhex mara Soomaalida iyo Oramada, xasaradda taagana waxa ay noqon doonaan kuwa soo afgarma; 

Horta ninkan khabiirka ah eeg sida uu u qoray “Af-jarma”

Midda kale way fiicnaan lahayd inuusan dhicin dagaal daba dheeraada laakiin taasi waxay ku xirantahay in cidda gar-darrada wadaa ay joojiso gar-darrada haddii kale dan buu u daba dheeeraan.

  1. Ma dhici doonto in madax Soomaali dambe oo Tigree ka amar qaata uu dib ugu talin Soomaalida Itoobiya;

Oraahda kore wuxuu ka wadaa miyaa Oroma ayey Soomaalida ka amar qaadanaysaa, is-maamulka Soomaalida wixii lagu heshiiyo oo maamulllada Federal-ka ah ay isku waafaqaan buu kaalintiisa ku leeyahay laakiin cidna si gaar ah ugama amar qaadanayo, ninkii ina yaqaanna waa ogyahay taas. 

  1.  Ma dhici doonto in gabhada ONLF ay talada dalka Itoobiya ay qeyb ka noqdaan iyagoo gabhad ah marka laga reebo in kuwa Soomaalida iyo Itoobiyaanka la jaangaadi kara oo aanan ahayn kuwa ay madax martay Ogaadinimada.

Sidee buu u qoray “Jabhad” eeg sidee buu u qoray “Jaan-Qaadi” Tan kale wuxuu si xanaaq ama caro ka muuqato u inkirayaa in ONLF ay dalka Itoobiya sharci ka tahay, wuxuna si cad Soomaalida uga saarayaa inay ka mid yihiin maamulada Itoobiya ka jira wuxuuna wali sii wadayaa ereyga Ogaadeen, “OGaadeenimada madax martay” isagoo afka ka leexinaya Soomaalida xanaaqsan ee lagu soo gar-darooday. Waxaa shaki la’aan ah in qof Soomaali ah oo ka naxaya dadkiisa iyo dalkiisa uusan maanta ka hadleen magac beel maxaa yeelay waxa xudduudaha dalka ka dhacay waa danbi si simman dadka Soomaaliyeed looga galay mana ku hadleen waxa uu ka hadlay KHabiirka Orammada ama ciidammada sir-doonka Itoobiya ee magac Soomaaliga ku-raad-gadanaya, waliba sida aan qiyaasiyo isagoo Soomaaliya jooga.

Waxaa ayaantaan aad u soo kordhaya dad badan oo Itoobiyaan ah oo dalkii muddo dheer joogay si aan sharci ahayn, mujtamacii Soomaaliyeed dhex galay afkii bartay oo iyagoo dalkii jooga Ummaddii iyo Qaranimadii Soomaaliya gudaha kala dagaalamaya oo duulaan ku ah, waxaana yaab leh in dowladda Farmaajo iyo KHeyre ay ka hadlaan khilaafka u dhexeeya Sacuudiga iyo Kanada oo aysan ka hadlin waxa dadkooda ku haysta xuddudaha dalka…..Puntland iyo Somaliland Tuke-Raq bay isku haystaanmid kastana waxay ku andacoonaysaa inay xudduudeeda sugayso guryahoodiina waa loo daba maray!…Labada Marada Isku Haysata Hooyadood waa Sida Laftaas!…..

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid