Afhayeenkii wasaaradda amniga DF oo magaalada Hargeysa laga soo tarxiilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay is hortaagen Afhayeenkii hore ee Wasaarada Amniga Somalia Cabdi Casiis Xildhibaan oo safar aan laga sii warqabin ku tagay magaalada Hargeysa.

Ciidamada amaanka ayaa Cabdi Casiis Xildhibaan ka celiyay Garoonka Hargeysa xili uu doonaayay inuu gudaha u galo magaalada.

Ciidamada ayaa Afhayeenkii hore ee Wasaarada Amniga Somalia Cabdi Casiis Xildhibaan ku wargaliyay inuu yahay ajnabi lagana doonaayo inuu la imaado warqadaha fasaxa ee uu ku galaayo magaalada, iyadoo markii danbe dib loogu soo celshay magaalada Muqdisho.

Afhayeenkii hore Cabdi Casiis Xildhibaan, ayaa safar maalmo qaatay ku joogay magaalada Garoowe, hase yeeshee qoraal uu sii dhigay beejkiisa ayaa loo sababeeyay diidmada uu kala kulmay ciidamada amaanka Garoonka Hargeysa kadib markii uu qoraal aan munaasib aheyn kasii hormariyay safarkiisa.

Cabdi Casiis Xildhibaan oo lagu sii sugaayay Garoonka Hargeysa ayaa saacado kooban lagu hayay Garoonka, iyadoo markii danbe dib loogu soo celshay Muqdisho.

Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer Garoomadeeda ka celisay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia kuwaa oo safaradooda lagu tilmaamay mid sharci darro ah.

Wasiirka amniga Xukuumada Somalia Ducaale, ayaa warqad kasoo baxday xafiiskiisa xilka looga qaaday Afhayeen Cabdi Casiis Xildhibaan, kadib markii hadalo dhaawacaaya dowlada uu la wadaagay warbaahinta madaxabanaan.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdi Casiis Xildhibaan oo xilkii laga qaaday ayaa tan iyo markii uu xilkiisa waayay ahaa mid u dhexeeyay magaalada Muqdisho iyo Gobolada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com