Beesha Dhulbahante oo ka carootay tallaab uu qaaday R/W Xasan Cali KHEYRE

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya guuxa iyo carada ay Garaadada, waxgaradka iyo dhallinyrada beesha Dhulbahante ka muujinayaa isku shaandheyntii uu golaha wasiirada ku sameeyey Xassan Cali Kheyre dhawaan.

Sida ay ilo xog ogaal ah ku warramayaan waxaa shalay baaqday kulan magaalada Muqdisho ay isugu imaan lahaayeen madaxweyne ku xigeenka Puntland ENG Cabixakiim Cabdullahi Xaji Cumar Camay, Garaad Jaamac Garaad Cali iyo xubno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka dowladda Federal-ka ah.

Sida ilo wareedyadu sheegayaan ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo cambaarey lahaa isku shaandeyntii uu sameeyey Xassan Cali Kheyre ee uu ku bedelay wasiirkii kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.

Arintaas ayaa sida la sheegay looga hadli lahaa kulanka iyaga oo u arkay in bedelka wasiir Cabdiraxmaan ku yimi RW Xassan Cali Kheyre oo ku qancinayey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Siyaasiyiinta, isimada, waxgaradka iyo dhallinyarada beesha Dhulbahante ayaa sida la sheegay u arkay tallaabadaas mid meel ku dhac ku ah maadama wasiirkii xilka hayey ay aad ugu qanacsanayeen.

Hase ahaatee, qof la soo xiriiray Caasimadda Online oo codsaday in aan magaciisa la xusin ayaa sheegay in beeshu aad uga niyad jabtay qaabka uu u dhaqmay RW Xassan Cali Kheyre walow aysan beeshu diidaneyn in uu RW sameeyo isku shaandhweyn isaga ka timaada balse waxa ay ka xumaadaan u hoggaansankii amarkii Cabdiweli Cali Gaas.

Sida uu u hadalka u dhigay shaqsiga nala soo xiriiray ayaa sheegay in wasiirka hadda loo magacaabay wasaaradda Kalluumeysiga oo isla beesha Dhulbahante ka soo jeeda uusan ahayn shaqsi aqoon leh marka lala bar bar dhigo wasiirkii uu Cabdiweli Gaas bedelay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.

Wasiirka hadda ay hadda beesha Dhulbahante aad uga biyo diiday waa xubin ka tirsan golaha shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com