Maxaa ka jira in SARAAKIIL kale oo ka tirsan URURKA ONLF lagu qabtay Somalia

Asmara (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa gaashaanka ku dhuftay warar kasoo baxay maamulka Galmudug oo ay ku sheegeen inay qabteen xubno ka tirsan ururkaasi, oo ku sugnaa gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Sabtidii ayaa Cabdi Muuse, oo ah taliyaha ciidamada maamulka Galmudug ee degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud wuxuu saxaafadda u sheegay inay qabteen 10 qof oo ka tirsan jabhadda ONLF, ee ka dagaalanta dalka Ethiopia.

Taliyaha ayaa sheegay in dadka la qabtay ay kasoo carareen dalka Ethiopia, islamarkaana ay si dhuumaaleysi ah ku joogeen magaalada Balanbale, isaga oo intaas u daray in loo gudbin doono magaalada Dhuusomareeb.

Si kastaba, ONLF oo arrintan uga jawaabtay qoraal lagu daabacay barta twitter-ka ayaa sheegtay in warka kasoo baxay Galmudug uu yahay mid been abuur ah, oo aan waxba ka jirin, islamarkaana aysan jirin xubno ka mid ah ururka oo lagu qabtay meel ka mid ah Soomaaliya.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ay jiraan rag hubeysnaa oo Galmudug ay qabteen, balse waxaan caddeyn in raggaasi ay ka mid yihiin ONLF iyo in kale.

Bishii August ee sanaddii 2017 ayaa Galmudug waxay qabatay Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax oo ka mid ah ONLF, kaasi oo Xamar oo loo soo wareejiyey, kadibna loo sii gacan geliyey dowladda Ethiopia. Qalbi-Dhagax ayaa kadib lasii daayey bishii June ee sanadkan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com