Jawaari iyo dhinacyo kale oo miisaan culus oo ku biiray shirka ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa caawa ku biiray shirka musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya uga socda magaalada Muqdisho.

Prof. Jawaari ayaa hadda kulan gaar ah la leh musharaxiinta oo shirkoodu uu galay maalinkiisii  afaraad.

Gelinkii dambe ee maanta ayaa lagu waday in lasoo gabagabeeyo shirka, balse ma dhicin oo waa uu sii dheeraaday waqtigiisu, illa hadana lama shaacin waqtiga lasoo gabagabeynayo.

Tan iyo shalay waxaa si – is daba joog ah shirka musharaxiinta ugu biirayey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiin kale, sidoo kale xubnaha beesha caalamka ayaa galabta ka qeyb galay shirka.

In kastoo aan la cadeyn goorta la soo gabagabeynayo shirka, hadana wararkii u dambeeye ee aan ka heleyno waxay sheegayaan in xataa laga yaabo berri inuu ku darsado.

War-murtiyeedka shirkaas ka soo bixi doona ayaa ah mid isha aad loogu wada-hayo, isla markaana laga war dhowrayo dhawaqa ka soo yeeri doono musharraxiinta.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa doorasho guud oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, waxaana socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan doorashadaasi.