Jawaari “Kheyre waa nin shaqo yaqaan ah balse waxa uu maalmahaan ku faraq xirtay rag ku takhasusay burburka dalka”

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kooban uga hadlay isbedelka Siyaasadeed ee ka jira dalka, heerka uu gaarsiisan yahay Mooshinka la doonaayo in lagu rido iyo Hanaanka shaqo ee Ra’isul wasaare Kheyre.

Guddoomiye Jawaari, oo shir Jaraa’id habbeenimadii xalay ku qabtay Xarunta Villa Hargeysa, ayaa sheegay in dalka uu ka jiro Isbedelo Siyaasadeed oo muuqda, waxa uuna tilmaamay in isbedeladaasi ay sabab u tahay Xukuumada Somalia.

Waxa uu Jawaari sheegay in isbedelka jira ay sababi karaan guulo iyo guul la’aan waxa uuna cadeeyay in ka shaqsi ahaantiisa uu noqon doona kan ugu dulqaadka badan.

Jawaari ayaa sheegay in Mooshinka ay kawadaan Xildhibaanada baarlamaanka uu yahay mid ku abuurmay qaab khaldan, hase ahaatee uu yahay mid u muuqaal eg duulaan ka dhan ah shaqsiyadiisa.

Mooshinka laga wado ayuu sheegay inuu meel u dhici doono, isla markaana uusan ka raali noqon doonin in wado khaldan lagu hogaamiyo dalka.

Waxa uu sheegay inay nasiib darro ku tahay in la dayaco Somalia oo nabadeeda iyo xasiloonideeda loo daadiyay dhiig badan, si wanaaga loo gaarana ay xooga saari doonaan ilaalinta sharciga.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Dalkan meel fog baa laga keenay, dad badan ayaa u soo geeryooday, dadka qaar rajo beel ayaa ku dhacay, laakiin waxaan soo gaarsiinay nidaam daahfuran, waxaana muujinay in Soomaaliya ay leedahay Baarlamaan cadaalad leh, shacabka Soomaaliyeed marqaati ayay ka yihiin.”

Jawaari wuxuu sheegay Guddoomiye hadii Mooshin laga keeno in lagu dhameeyo 10 berri, kadibna 15 berri gudahood lagu doorto mid kale, Ra’iisul Wasaare hadii laga keenana lagu dhameeyo 5 maalmood, taasi ayuu sheegay in looga gol leeyahay howlaha dalka in aysan xayir min.

Wuxuu sheegay weli in aysan dhicin in xarunta Baarlamaanka la dul dhigo Ciidan, aysana qurux badneyn in lagu xad gudbo xurmada Golaha Shacabka, wuxuuna ku baaqay in Ciidamada laga dul qaado xarunta Golaha Shacabka.

Gudoomiye Jawaari ayaa xildhibaanada xusuusiyay in looga baahan yahay in ay ilaaliyaan danta guud ee dalka, sidaas darteedna laga doonayo qof walba inuu xilkiisa u guto si daacadnimo leh oo ay ku jirto Alle ka cabsi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan wanaagsaneyn in burbur ay gasho Dowladda, wuxuu sheegay in Khayre uu yahay nin wanaagsan oo shaqo yaqaan ah, balse maalmahan dambe uu ka talo qaato rag uu sheegay in ay ku taqasuseen burburinta Baarlamaankii Sideedaad, wuxuuna ka dalbaday inuu ka fogaado raggaasi.

Waxa uu yiri ”Khayre waa nin fiican oo shaqo yaqaan ah, hase yeeshee maalmahan damba wuxuu ka talo qaataa Engineeradii ku taqasusay buburinta Baarlamaankii Sideedaad, waxaan kula talinayaa dadkaasi inuusan war ka maqlin, annaga Mooshin kaama wadin, xaq ayaan u leenahay inaan kula xisaabtano, dhulka dhig xaajada.”

Haddalka Jawaari ayaa u muuqanaaya mid uu ku baadigoobayo Isfahan iyo in xal hoosaad laga gaaro Mooshinka iyo Khilaafka kala dhexeeya baarlamaanka iyo Xukuumada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com