Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha BF Somalia, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Dastuurka dalka uu yahay mid KMG ah.
Waxa uu sheegay in Dastuurka uu yahay mid aan aheyn KMG, isagoona sheegay in go’aan waliba uu yahay mid si sharci ah u dhaqan galaayo.
Sidoo kale, Jawaari ayaa waxa uu sheegay in Bulshada Soomaaliyeed ay wax iskaga qaldan yihiin loona baahan yahay inay u dhabagalaan arrimaha Dastuurka si ay waxbadan oo ka maqan u ogaadaan.
Maxamed Sheikh Cismaan ayaa Xusay in wax KMG ah ay tahay Ansixintii Ergooyinka ay Ansixiyeen Dastuurka laakiin uusan Dastuurka Dalka u yaala aheyn KMG.
Isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Waxaa loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay sidaa u ogaadaan oo Dastuurka Soomaaliya uusan aheyn KMG”
Dhanka akle, dadka Soomaaliyeed ayaa Aaminsan in Qaladaadka ugu badan uu ku jiro Dastuurka islamarkaana ay isku qasan yihiin Shaqooyinka Madaxda Dalka ay qabtaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

