29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Jawaari oo ka carreysiiyay xildhibaanada kuna hanjabay in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa mar kale ka careysiiyay Xildhibaanada kadib markii uu ku wargaliyay in mudada ka harsan doorashada uu socon doono amarka Madaxweynaha.

Jawaari waxa uu sheegay in muddo badan lagu soo shaqeynaayay amarkooda, balse wakhtiga lagu jiro aysan u saamaxeynin in tallo laga sugo Xildhibaanada.

Waxa uu sheegay in dalka uu qarka u saaran yahay inuu galo xaalad degdeg ah, sidaa aawgeedna ay go’aan ku gaaren in duruufaha Siyaasadeed ee jira aawgood qaatan go’aan waliba oo lagu badbaadin karo dalka iyo dadka.

Xildhibaankii aan u dhaga nugleyn qorshaha cusub ee dalka looga saaraayo xaalada degdega ah ayuu Jawaari sheegay inuu iska bixikaro maadaama uu dhamaaday wakhtiga Xildhibaanada ay sii jiri lahaayen.

Xildhibaanada ayuu ku wargaliyay inaysan khilaafin wixii loo arko maslaxada dalka, isaga oo ku goodiyay inuu laali doono Xildhibaankii ka hor imaada dadaalada Siyaasadeed ee uu iminka wado Xassan Sheekh.

Hanjabaada Jawaari ayaa imaaneysa iyadoo maalmo un ka hor uu Madaxweyne Xassan Sheekh Xildhibaanada ugu goodiyay inuu kala diri doono waa haddii ay khilaafan rabitaankiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News