Jawaari oo tagaya Jowhar iyo xildhibaanada Hirshabeele oo la xareeyay (Sawirro)

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in la xareeyay manta dhamaan xildhibaanada beelaha kala duwan u matali doono maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe loo sameynayo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maalinta beri ah qorshaha uu yahay in la dhaariyo xildhibaanadan oo ay soo gudbiyeen odayaasha dhaqanka ee xildhibaanada soo xulay.

Xildhibaanada oo matalaya beelaha kala duwan ee daga Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa dhaarintooda waxaa beri la filayaa inuu ka qeyb galo afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawari.

Shirk aka socdo magaalada Jowhar oo aysan ku qanacsaneyn beelaha qaar ayaa waxaa qorshaha uu yahay in 15-ka bishaan la doortaa madaxweynaha maamulkaasi.

xildhibanjowh-1 xildhibanjowh-2 xildhibanjowh-3 xildhibanjowh-4 xildhibanjowh-6