Xog: QM oo la gaarsiiyay warqado sir ah oo ka baxay safaarada Ethiopia ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dowlada Ethiopia ay ku dadaaleyso fashil ku imaada doorashooyinka la filaayo in dhawaan ay ka dhacaan Somalia.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in QM loo gudbiyay nuqul qoraal ah oo laga helay dhismaha ay dowlada Ethiopia ku leedahay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu diyaariyay sida ugu sahlan ee dib loogu dhigi lahaa gabi ahaan doorashada dalka ee markii labaad uu fashilka ku imaaday.

Warqadaha loo gudbiyay QM ayaa la sheegay inuu ku saxiixnaa Danjiraha dalka Ehiopia u fadhiya Somalia Wondimu Asaminew, kaasi oo ka koobnaa dhowr beej.

Nuqulo kamid ah Warqadahaasi oo horay u baxay ayaa la sheegay in loo diray Wasaarada arrimaha dibada dalka Ethiopia, halka nuqulada qaar la gaarsiiyay Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn.

Warqadahaani ayaa lagu muujiyay taageerida Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud, iyadoo lagu cadeeyay in Xassan uu mudan yahay inuu sii hayo xilka.

Dowlada Ethiopia ayaa miisaan Siyaasadeed ku dhex leh Siyaasada Somalia, waxa ayna warqadahaani baxeen sida la sheegay kadib safarka Xassan Sheekh uu ku gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta DDSI.

Docda kale, QM oo warqadahaasi sirta ah la gaarsiiyay ayaan weli ka hadal Siyaasada cusub ay isla daadihinayaan Xassan iyo Ethiopia, waxa ayna tani imaaneysaa iyadoo maalin un ka hor Ergayga QM u qaabilsan Somalia Micheal uu shaki ka muujiyay qabsoomida doorashada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqisho
Caasimada@live.com