Dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Galmudug oo sii xoogeystay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Qeybo kamid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayaan ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Rasaasta ayaa inteeda badan ka dhaceysa Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxa ayna inta badan kasoo dhaceysaa dhanka maamulka Puntland.

Rasaasta ayaa u badan noocyada loo yaqaan Hoobiyaha, Dhashiikaha iyo Rasaasta noocyadeeda kale.

Dadkii kunool Xaafadaha kala duwan ee magaalada ayaa Maanta si weyn u qaxay , waxaana dad ay naftooda kala carayaan rasaasta ay labada dhinac isweydaarnaayaan.

Dhaawacyada iyo Dadka dhintay ayaa waxaa lagu daad gureynayaa gaadiidka raaxada iyo kuwa BL-ka waxaana inta badan xiran dhammaan waddooyinka.

Xaalada ayaa ah mid cakiran waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu kusii faafo deegaano kale oo dhowr ah.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com