SAWIRRO: 120 xildhibaan oo ku shiray Muqdisho, soona saaray go’aan adag

Muqdisho (Caasimada Online) – Illaa 120 xildhibaan ayaa caawa kulan aay iskugu yimaadeen magaalada Muqdisho uga hadlay kullanki baarlamanka ee maanta iyo sababihii keenay inuu qabsoomi waayo.

Shir jaraa’id oo ay qabteen ayey ku sheegeen in xildhibaanno tiro yar ay is hortaag ku sameeyeen kullanki maanta, taasina ay tahay wax aan la aqbali karin.

Xildhibaannada caawa ku shiray magaalada Muqdisho ayaa waxaa u hadlay ugu horeen xildhibaan Maareeye iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesooow iyagoo ku eedeeyay guddoonka sare ee baaarlamanka inuu gudan waayay shaqadiisa.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka oo ka hadlaayay kullankaas, ayaa waxa uu sheegay in Guddoonka Baarlamaanka looga baahan yahay inay Is Casilaan.

Xoosh waxa uu tilmaamay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uusan laheyn awood ama Siyaasad uu kaga hor imaankaro waxa uu ugu yeeray Qaswadayaasha Baarlamaanka, taasi bedelkeedna uu ugu baaqay inuu Is Casilo ka hor inta uusan Caqabad kala kulmin Xildhibaanada.

Xoosh oo kamid ah Xildhibaanada Mooshinka kawada R/W C/weli, ayaa waxa uu sheegay inuu maalintii labaad kulankii baarlamaanka Somalia u qab-soomi waayay tiro yar oo xildhibaanno ah oo buuq sameeyay, iyadoo guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa ay goobta isaga tageen markii ay xakameyn waayeen xildhibaannada buuqa sameynayay.

Xildhibaan Xoosh oo Arrintaasi si adag uga hadlaayay ayaa waxaa kamid ahaa hadalkiisa “Guddoomiyaha baarlamaanka howshiisii wuu gabay, inuu maareeyo ayay ahayd shirka haddii uusan maareyn karin xilka waa inuu isaga dago, anaga ayaa soo dooranayna guddoomiye cusub oo howsha qaban kara,”

Isaga oo intaa kasii ambaqaadaya hadalkiisa ayaa waxa uu yiri ”Wey sahlan tahay inaan xulano Mas’uul kale, waayo Jawaari haddii uusan go’aan ka gaari karin Fashilada ku imaanaya kulamada BF Somalia, waa inuu Is Casilaa inta aan laga hor imaan”

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in guddoomiyaha laga doonayo in isagoo adeegsanaya xeerarka u yaalla baarlamaanka xildhibaankii buuq sameeya uu dibadda uga saaro kulanka, isagoo ku eedeeyay inay lug u laaban tahay, isla markaana aanu doonayn in awooddiisa uu u isticmaalo xidhibaannada uu ka wadi la’yahay fadhiyada baarlamaanka.

Dhanka kale, xildhibaan C/raxmaan Xoosh ayaa sheegay in xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka inay ku hanjabeen in inta uu jiro mooshinkaas ay sii wadayaan is hor-taagooda kulammada baarlamaanka, taasoo uu xusay in ay tahay mid aan la ogolaan karin.

taag (1)taag (2)taag (3)taag (4)taag (5)taag (6)taag (7)taag (8)

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com