Daahir Jeesow: Waxaan u baahanahay odayaal aan ku dhaqmeynin maskax iyaga ka weyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga arimaha gudaha iyo Federaalka Baarlamaanka Somalia Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa ka hadlay shirka maamulka loogu sameynayo Mudug iyo Galgaduud.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Hadafka DF Somalia uu yahay in mar waliba la raali galiyo rabitaanka shacabka ku hoos nool, Gobolada maamulka loo dhisaayo waxa uuna Tilmaamay in arrintaani ay qeyb ka tahay tixgalinta shacabka.

Hadalkaani ayaa waxa uu Xildhibaanku ka sheegay shir muhiim lagu sheegay oo ka socda gobalka Galgaduud, kaasi oo looga tashanayo halka lagu qaban lahaa shirka maamulka loogu sameynayo Mudug iyo Galgaduud, waxa uuna Odayaasha ugu baaqay in arrinta looga baahan yahay ay tahay inay ku hadlaan afka shacabka oo aysan dhinac ka noqon Siyaasada dalka.

Mar uu la hadlaayay Odayaasha dhaqanka ee Mudug iyo Galgaduud, ayuu ugu baaqay inay la yimaadan maskax furan iyo in aysan sii kala fogaan, iyagoo eegaya aayaha Maamulka.

Dhanka kale, waxa uu balan ku qaaday in wax waliba oo ku saleysan dhismaha maamulka Mudug iyo Galgaduud ay la tiigsan doonaan Dastuurka dalka wixii intaa ka soo harana ay hor istaagi doonaan, waxa uuna xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh isna uu Dastuurka raacayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com