Jenaraal Xuud oo ra’iisul wasaare ROOBLE uga digay ‘qorshe uu damacsan yahay’

Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Golaha la magac baxay Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa digniin culus hawada usoo mariyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

enaraal Xuud ayaa sheegay inuu Ra’iisul Wasaare Rooble uga digaayo inuu Beledweyne yimaado isaga oo uu la socdo madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, oo uu sheegay inaysan aqoonsaneyn.

“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaan u sheegayaa haddii uu Beledweyne yimaado isaga oo uu la socdo Cali Guudlaawe wixii dhibaato ah oo ka dhasha mas’uuliyadeeda inuu isaga qaadan doono, balse isaga iyo wafdigiisa kale ay imaan karaan Beledweyne,” ayuu yiri Jenaraal Xuud.

General Xuud ayaa sidoo kale ka hadlay dadaallada uu Rooble ku doonayo in lagu xaliyo tabashada ay reer Hiiraan ka qabaan qaab dhismeedka Maamul Hirshabelle, wuxuuna sheegay inay si weyn usoo dhaweenayaan arrintaas.

Generaalka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in shirkii wadatashiga qaran ee lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya aan marnaba lagu soo hadal qaadin arrinta Hiiraan halka waqti badan la geliyey sidii loo xallin lahaa xiisadda ka jirto Gobolka Gedo.

Hadalka General Xuud ayaa imaanaya xili dhawaan Xukuumadda Rooble ay ku dhawaaqday iney xalinayaan tabashada ay reer Hiiraan ka qabaan maamulka HirShabeelle, waxaana soo baxaya warar sheegay in Rooble doonayo inuu tago Beledweyne.

Beesha Xawaadle ayaa horay u qaadacay doorashadii ay kusoo baxeyn madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxaana tan iyo doorashadii kadib shacabka Hiiraan ay soo bandhigayeen banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan HirShabeelle.

Sidoo kale khilaafka ka dhashay awooda qeybsiga maamulka Hishabelle ayaa abuuray dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan oo lagu magacaabo Golaha Kacdoonka Hiiraan kuwaasoo, si cad ula dagaalamay HirShabeelle iyagoo diiday in Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne laguna Caleema Saaro.

Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa inay xaq u leedahay madaxweynaha maamulka HirShabeelle, taasi oo sheegtay inay qeyb ka aheyd heshiiska lagu dhisay maamulkaas, halka beelaha kalane ay sheegaan in taasi ay aheyd muddo xileedkii koowaad oo kaliya, oo beeshan aysan xaqu u laheyn xilka madaxweynaha abid.