Sawirro: DF oo maanta qaaday tallaabo jawaab u ah rasaastii lagu furay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah oo ay uga jawaabeyso dhacdadii ay ciidamada Asluubta ku xabadeeyen kolonyo gawaari ah oo la socotay madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa amray in ciidamada Asluubta laga wareejiyo xarumo dowladeed oo ku yaalla degmada Xamarweyne, kadib dhacdadii Arbacada.

Kadib amarka Xijaar, waxaa gebi ahaanba laga qaaday ciidankii Asluubta xarumihii iyo kontorooladii ay ku sugnaayeen, ayada oo lagu wareejiyey ciidamada booliska.

Ciidamada booliska ayaa waxaa la geeyay barihii hubinta ee ciidanka Asluubtu ka joogeen Waddada hormarta kawaanka malayga, Maxkamadaha, Xabsiga dhexe iyo Dekadda weyn, kuwaasi oo laga qaaday ciidankii hore u joogey ee Asluubta.

Ciidanka Asluubta ee ku sugnaa xarumaha laga qaaday ayaa dhowr jeer ku kacay falal ka dhan ah mas’uuliyiin sarre, kaasi oo uu ugu dambeeyay madaxweynihii hore ee dalka oo ay ku xabadeeyen agagaarka maxkamadda gobolka Benaadir.

Wararka ayaa intaa kusii daraya in ciidanka Asluubta ee laga qaaday xarumahaas loo bedalay goobo cusub oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

Dhacdooyinkii ugu saameynta badnaa ee dowladda ka bixisay raali-gelinta ee ay ku kaceen ciidamada Asluubta intii ay ku sugnaayeen kontorooladaas ayaa waxaa kamid ahaa kuwoodii ugu dambeeyay ee ku rasaaseeyen kolonyo ay la kala socdeen Imaamka beesha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf iyo madaxweyne Xasan Sheekh.