R/W Rooble oo looga digay qorshe lagu boobayo kuraasta xildhibaanada Banaadiriga

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Banaadiriga oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa fariin u diray Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo ka codsaday inuu u madax-baneeyo inay soo magacawdaan xubnaha guddiyada doorashooyinka ku meteli doona.

Odayaasha dhaqanka beelaha Banaadiriga oo marka hore soo dhaweeyey heshiiskii dhawaan laga gaaray khilaafkii doorashooyinka ayaa sheegay in guddiyadii cabashada laga keenay ay ku metelayeen xubno aan laga tashan soo magacaabidooda, isla markaana ay hadda doonayaan in laga bedelo.

“Waxaan ka shirnay masiirka beelaha Banaadiriga, waxaan taageereynaa heshiiskii dhawaan ay madaxdu gaareen, hadaan nahay dad reer Xamar madaxda dalka iyo dhamaan siyaasiyiinta heshiiskaas waan ku amaaneynaa, ra’iisul wasaaraha waxaan ka codsaneynaa in metelaada beelaha Banaadiriga waxgaradkooda loo madax-baneeyo, sida beelaha kale,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay.

Nabadoon kale oo goobta ka hadlay ayaa yiri, “Guddiga doorashooyinka, markii hore oo la magacaabaayey lagalama tashan odayaasha dhaqanka, duubabkeena iyo siyaasiyiinteena, waxaan ka war helnay iyadoo la magacaabay, hada waxaa la go’aamiyey in guddiyadii dib loogu noqdo, oo intii cabasho laga keenay la bedelo, marka maadaama markii hore nala dhinac mariyey, hada waxaan rabnaa guddigaan dib loo soo magacaabaayo, in gacanta loo soo geliyo odayaasha madaxda u ah beelaha Banaadiriga, si aan go’aan uga gaarno masiirka umadeena.”

Xubnaha ku jira guddiyada magacaaban ee hadda la isku heysto, kuwooda metelaha beelaha Banaadiriga waxaa ka mid ah 3-xubnood oo aan u dhalan beelaha Banaadiriga, taas oo ay sheegeen inay la yaab ku noqotay.

Xubnaha guddiyada doorashooyinka ku metelaya beelaha Banaadiriga waxaa soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble, waxaana sida ay beelaha Banaadiriga sheegeen ku jira Ibraahim Maxamed Cumar oo u dhashay beesha Shiikhaal, Nuur Maxamed Xasan oo u dhashay Abgaal iyo Maxamed Xaaji Maye oo reer Aw-Xasan ah, kuwaas oo ka yaabiyey beelaha aysan ka dhalan ee metelayaasha looga dhigay.

Odayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay wajahayaan hanajbaado la xiriirta inay arrintan ka aamusaan oo uga imanaya saraakiil ka tirsan dowladda.

Hadda beelaha Banaadiriga waxay xukuumadda ka codsanayaan in qaladkaas la saxo oo loo madax-baneeyo inay soo magacawdaan xubnaha ku metelaya guddiyada doorashada, sidoo kale tabashada beelahaan ayaa ah mid soo jireen ah, waxayna horay u sheegeen in xuquuq ay la haayeen lagu duudsiiyey doorashadii ay afar sano ka hor dalka ka qabatay dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg ayaa sheegay sanadkii hore in beelaha Banaadiriga laga dhacay kursi Xildhibaan, kaas oo deegaan doorashadiisa la geeyey magaalada Baydhaba ee K/Galbeed. Beelahan oo xaq u lahaa 6 kursi, ayaa xilligii Xasan Sheekh laga dhacay hal kursi, waxaana la siiyey beesha Sheekh Gandarshe oo Hawiye ah.

Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in sanadkaan ay jiraan xildhibaano iyo siyaasiyiin qorsheynaya in beelaha Banaadiriga ay ka dhacaan ilaa seddax kursi – xildhibaan, kuwaas oo deegaan doorashadooda la geyn rabo deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee odayaas.

Sidoo kale Hoos ka daawo CUmar Shariif Jeeg oo ka hadlaya kursiga la boobay.